Wararka Soomaalida

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo eedeysanayaal xukuno ku riday

Published

on

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno xabsi ah ku riday 9-xubnood oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen kooxda Al Shabaab gaar ahaan kooxda wax disha ee loo yaqaan Amniyaadka Al shabaab ka dib markii howlgal lagu soo qabtay.

Xeer ilaalinta Maxkamada ayaa maanta soo bandhigay dambiyada loo heesto xubnahan katirsan Al Shabaab waxaana Maxkamada sheegtay in dadkan lagu hayo cadeemo muujinaya in xubno muhiim ah ay ka ahaayeen kooxda Al Shabaab.

Dadka Maxkamada lasoo taagay kana kooban 9-ka xubnood ayaa waxaa ku jirtay haweeney la sheegay in hubka u keydin jirtay ragan loo heesto in ay ka tirsanaayeen kooxaha dilalka uqaabilsan Al Shabaab.

Eedeysanayaashaas loo heesto inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ayaa la sheegay in ay ka howl gali jireen Degooyinka Yaqshiid iyo Hiliwaa ee gobolka Banaadir sida ay cadeeyeen xeer ilalainta Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Garsoorayaasha maxkamada oo dhageysiga kiiskan waqti badan geliyay ayaa ku kala xukumay 9-kan eedeysane ee kala ah.

1-Axmed Cabdiqaadir Axmed oo lagu xukumay Xabsi Daa’in.

Waxaa kaloo Maxkamadda Ciidamada qalabka ee Soomaaliya min 15-sano oo xarig xabsi ciidan ah ku xukuntay eedeysanayaasha kala ah.

1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale.

2-Saafi Ciise Arwaax oo ah haweenayda lala soo qabtay dhalinyaradan.

3-Yaasiin Maxamed Abtidoon.

4-Cabdishakuur Cali Maxamuud.

5-Farxaan Aadan Yuusuf Weheliye.

halka Maxkamadda ay ku xukuntay min 8-sano oo xarig ah laba eedeysane oo kala ah.

1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow.

2-Xasan Sheekh Cabdullaahi Abuukar.

Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo Cabdiqaadir Mire Axmed sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Dadkan Maxkamada ku riday xukunada kala duwan ee xabsiga ah ayaa waxaa u furan in racfaan ka qaataan Xukunadan maanta lagu riday sida goobta uu ka sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Trending

Exit mobile version