Wararka Soomaalida
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhalinyaro Al shabaab ah
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta fulisay Xukun dil toogasho ah oo lagu fuliyey labo shaqsi oo ku eedaysanaa Al shabaab-nimo iyo in horay ay dileen Nabadoon Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Allaha unaxariistee Nabadoon Hilowle Xeefow Xuseen. Labadan wiil ee dhalinyarada ah ee maanta lagu fuliyey Xukunka Dilka toogashada ah ayaa Nabadoonka […]
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta fulisay Xukun dil toogasho ah oo lagu fuliyey labo shaqsi oo ku eedaysanaa Al shabaab-nimo iyo in horay ay dileen Nabadoon Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Allaha unaxariistee Nabadoon Hilowle Xeefow Xuseen.
Labadan wiil ee dhalinyarada ah ee maanta lagu fuliyey Xukunka Dilka toogashada ah ayaa Nabadoonka ku dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaafir horaantii sanadkii hore ee 2018kii.
Waxaana markii dambe lagu soo qabtay Howgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Muqdisho bil ka dib dilka Nabadoon Xeefow.
Labada nin ee maanta maxkamadda ay toogatay ayaa magacyadooda lagu kala magacaabaa Cabdiraxman Ciise Cali Fiidow iyo Xasan Cali Xasan Keerow, waxaana lagu eedeeyay inay dileen Nabadoon Hilowle Xeefow Xuseen muddo dhoor bilood ah ayeyna ku jireen Xabsiga dhexe ee xamar markii xukunka dilka ah uu ku dhacay ka dib.
Labadaan shaqsi ee maanta lagu fuliyey dilka toogashada ah ayaa Al shabaab midna uu kaga biiray Magaalada Muqdisho halka kan labaadna uu kaga soo biiray Gobolka Bakool,tababar dheer oo ay soo siiyeen Saraakiisha Maleeshiyada Al shabaab ka dib waxaa shaqadooda dilka ah loo soo wareejiyey Magaalada Muqdisho dilkii ugu horeeyey ee ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho wuxuu noqday Nabadoon Hilowle Xeefow Xuseen sida ay ka hor qirteen la badoodaba Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyay ay samaynaysay dilalka toogashada ah ee lagu fulinayo shaqsiyaadka Al Shabaab ka tirsanaa ee horey dilalka u geystay.
Saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in sidoo kale dhawaan latoogan doono shaqsiyaad kale oo ka tirsan Al Shabaab.
Maalmo kahor kahor ayay aheyd markii maxkamadda ciidamada qalabka sida sidaan oo kale ay toogatay shaqsi ka tirsan Al Shabaab oo ku eedeysnaa in uu qaraxyada dhigi jiray goobaha dadweynaha ay iskuuga yimaadaan ee Magaalada Muqdisho.