Wararka Soomaalida

Maxkamadda Minneapolis oo dambi ku heshay Maxamed Nuur

Maxamed Nuur oo ka mid ahaa Booliska Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka oo muddo dheer loo hastay dilka haweenay udhalatay dalka Australia Justine Ruszczyk Damond ayaa xalay lagu helay dambigii lagu soo eedeeyey. Maxkamadda ku taala Minneapolis Hennep County ayaa xalay loo fariistay dhageysiga dacwada dilka ah ee loo haystay Maxamed Nuur […]

Published

on

Maxamed Nuur oo ka mid ahaa Booliska Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka oo muddo dheer loo hastay dilka haweenay udhalatay dalka Australia Justine Ruszczyk Damond ayaa xalay lagu helay dambigii lagu soo eedeeyey.

Maxkamadda ku taala Minneapolis Hennep County ayaa xalay loo fariistay dhageysiga dacwada dilka ah ee loo haystay Maxamed Nuur waxaana halkaas laga Akhriyey qaabka dilka udhacay iyo dambiga uu wajahayo sarkaal hore Maxamed Nuur.

Maxamed Nuur oo la hor keenay Maxkamadda ayaa markii Makamadda laga Akhriyey go,aanka ah inuu dambiile yahay dilayna haweenayda lagumagacaabo  Justine Ruszczyk Damond ayaa wuxuu madaxda saartay gacmaha awgeed.

Xeer beegtida Maxkamadda Hennep County ee Minneapolis ayaa dacwadii loo haystay sarkaalkaas ku go,aamisay in Maxamed Nuur uu yahay dambiile galay dambigaas ee ah dilka haweenayda Justine Ruszczyk Damond waxaana ugu dambayntii ogolaaday go,aan ka Madaxa Maxkamadda Medaria Arradondo wuxuuna sheegay in kiiska loo haystay Maxamed Nuur sida xeer beegitada go,aamisay uu sidaas sax ku noqonayo wuxuuna raali gelin siiyey qoyska haweenayda la dilay ee lagu magacaabi horay Justine Ruszczyk Damond

Sarkaal hore Maxamed Nuur ayaa islamarkiiba gacmaha laga xiray loona dhaqaajiyey xabsiga wuxuuna wajahayaa xabsi dhan 15 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay dambiga dilka ah ee darajada sedaxaad iyadoo lagu waayey dambiga dilka darajada labada oo ah kan ugu halista badan.

Maxamed Nuur oo ka mid ahaa Booliska Magaalada Minneapolis ayaa waxaa uu soo aaday markii la soo wacay Number 911 markii uu soo aaday guriga haweenayda Justine Ruszczyk Damond ee cadaanka ah uu galay gurigeeda ay ku soo carartay haweenayda ka dibna uu dilay asagoo naftiisa difaacaya sida uu sheegay  Maxamed Nuur.

Kiiska Maxamed Nuur ee dilka haweenayda udhalatay dalka Australia ee lagu magacaabo Justine Ruszczyk Damond ayaa waxaa dib la,iskuuga soo laabanayaa Sagaalka Subaxnimo 7-bisha Juun.

Xukunka xabsiga ayaa wuxuu yahay 10 oo ah dilka aan bareerka ahayn iyo 5 sano oo ah kiiska darajada seddaxaad iyadoo kii labaad ee lagu waayey haddii lagu heli lahaa ka sii halis badnaan lahaa ee ah dilka bareerka ah.

Dilka haweenayda udhalatay dalka Australia Justine Ruszczyk Damond ayaa wuxuu dhacay sanadkii 2017dii wuxuuna ka dhacay Magaalada Minneapolis.

Maxamed Nuur markii falkaas uu gaystay ayaa waxaa laga eriyey shaqadii Ciidanka Booliska Maraykanka wixii intaas ka dambeeyey wuxuu wajahayey dacwada Kiiskan loo haystay.

Maxamed Nuur ayaa wuxuu udhashay dalka Soomaaliya laakiin wuxuu haystaa dhalashada dalka maraykanka waa muwaadin Ameerikaan ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version