Wararka Soomaalida
Maxkamadda sare Kenya oo qaadaysa tallaabo la xiriirta Kiiska Badda
Dowladda Kenya ayaa ku mashquulsan sidii ugu baaqsan lahayd Kiiska dacwada badda ee kala dhexeeya Soomaaliya ka dib markii ay ku adkaatay Kenya sii socodsiinta Kiiskan ee hadda horyaala Maxkamadda cadaalada aduunka ee ICJ.
Kenya ayaa qiil uwaysay sii wadida Kiiskan badda iyadoo sidoo kale ku guuldaraysatay dadaalkeedii ahaa in dacwadan lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda ka dib markii ay waysay wadan garab ku siiya rabitaankeeda ee ah xalinta arimaha dacwada Badda in iyada iyo Soomaaliya kuwada xaajoodaan meel aan ahayn xarunta ICJ.
Maxkamadda sare ee Kenya ayaa hadda umudaysay Kiiskan 7 October dhageysiga dacwadan in Kenya laga joojiyo ka qayb galka dhageysiga dacwada labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxayna raadinaysaa ucodayn in Kenya ka qayb gasho dhageysiga dacwada iyo in liiska laga tiro oo aaney ka qayb gelin.
Codsigan oo ay diiwaan geliyeen 20 qareen oo Kenyan ah ayaa waxaa horboodaya qareen Kiriro Wa Ngugi waana isku daygii ugu dambeeyay oo Kenya uga baxayso kiiska arimaha badda ku saabsan ee horyaala maxkamadda cadaalada aduunka ee ICJ.
Maxkamadda ICJ ayaa 4-ta bisha November umudaysay in la dhageysto dacwada Kiiska Badda ee labada dowladood ka dib markii Kenya codsatay in dib loogu dhigo iyadoo ku candacootay in qareeno tayo leh oo difaaca dacwadooda ku howlan tahay.
Kenya ayaa hadda umuuqata inay ka harayso gabi ahaan Kiiska Badda ee kala dhexeeya Soomaaliya ka dib markii culaysyo arintan ku saabsan kala kulantay Shacabka Kenyanka ah iyo aqoon yahanadooda iyagoo og in si kastaba looga guuleysanayo Kenya dacwadan Soomaaliya kala dhexeeya.
Kenya waxay la gariirayso ee hadba darbiga madaxa ugu dhufanayso ee jahwareerkaas isu gelinayso ayaa wuxuu yahay iyagoo ogsoon in wadada ay wax ku doonayaan sax ahayn sidaas awgeed waxay samaynayaan wax allaale wixii ay ku carqaladaynayaan Kiiskan horyaala Maxkamadda cadaalada aduunka ee ICJ.