Wararka Soomaalida
Meesha rasmiga ah ee xalay ka dhacay dagaalka oo la ogaaday
Kolonyo Ciidamada Militariga ah ee Soomaaliya oo xalay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho kuna siijeeda deegaano ka mid ah shabeelada hoose ayaa markii ay marayeen deegaanka KM 13 waxaa lagu wargeliyay in wadada ay ugaleen Al shabaab sidaas awgeed ka leexdaan wadada. Ciidamadaas ayaa dhanka bidix ugu degay wadada waxayna wajahada saareen dhinaca Ceel dhanaane wado […]
Kolonyo Ciidamada Militariga ah ee Soomaaliya oo xalay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho kuna siijeeda deegaano ka mid ah shabeelada hoose ayaa markii ay marayeen deegaanka KM 13 waxaa lagu wargeliyay in wadada ay ugaleen Al shabaab sidaas awgeed ka leexdaan wadada.
Ciidamadaas ayaa dhanka bidix ugu degay wadada waxayna wajahada saareen dhinaca Ceel dhanaane wado aada kuna beegan dhanka Jasiira.
Ciidamadii Al shabaab ee isku diyaariyay inay waxyeelo ugaystaan ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda ka warhelay in ciidamadii ay sugayeen ka leexdeen wadadii una leexdeen dhanka Ceel dhanaane.
Al shabaab ayaa markale isku diyaariyay in haddana ugalaan wadadaas Ciidamada Dowladda waxayna ufariisteen wadadii ay ku soo socdeen Ciidamada ka dib markii wado kale oo toobin ah ay soo mareen Al shanaab.
Barta ay ugaleen Al shabaab Ciidamada dowladda waxaa waxyar ujira oo xero Ciidan u ah Ciidamo AMISOM markii waxyar usoo jiraan Ciidamada dowladda goobta ay joogeen Ciidamada Al shabaab ayaa waxaa dhacday in Al shabaab weerar halmar ah ku wadaqaadaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee wadada ku soo socday.
Waxaa isku bilowday Rasaas seddax geesood ah iyadoo markii dambe Al shabaab iskiiga kala dhaxbaxay Ciidamada Dowladda iyo ku AMISOM.
Waxaa saacado badan dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu dhaxmaray AMISOM iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah saraakiishii la socotay Ciidamadaas dabinka ay udhigeen Al shabaab.
Ciidamada dowladda ayaa lanoo sheegay in Seddax askari ay ka dhinteen 7 kalana ay ka dhaawacmeen ka dib markii Al shabaab ay ka shaqeeyeen dabinkaas.
Qiyaanadaas dagaal ee Al shabaab iskuugu direen AMISOM iyo Ciidamada dowladda ayaa markii dambe fahmay saraakiisha AMISOM waxa ay la dagaalayaan in Al shabaab ahayn oo ay yihiin Ciidamadii dowladda wixii ka dambeeyay bilowgii dagaalka ee bambaanooyinka ku bilowday iyadoo sidaasna uu ku istaagay dagaalka sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah saraakiishii dagaalkaas wax ka galay.