Wararka Soomaalida

Meydad Seddax Rag ah oo lagu arkay Xaafad ka mid ah Degmada Dayniile

Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafad udhow xarunta Degmadaas ayaa  Caawa abaaro Maqribadii waxaa lagu arkay Seddax Rag ah Meydadkooda iyadoo dadka Xaafadaas ay argagax ka muujiyeen sidoo kale kala saariwaayey in xaafada lagu dilay iyo in iyagoo meydad ah lakeenay. Raggan Meydadkooda lagu arkay Xaafadaas ka mid ka ah Degmada Dayniile ayaa […]

Published

on

Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafad udhow xarunta Degmadaas ayaa  Caawa abaaro Maqribadii waxaa lagu arkay Seddax Rag ah Meydadkooda iyadoo dadka Xaafadaas ay argagax ka muujiyeen sidoo kale kala saariwaayey in xaafada lagu dilay iyo in iyagoo meydad ah lakeenay.

Raggan Meydadkooda lagu arkay Xaafadaas ka mid ka ah Degmada Dayniile ayaa labo ka mid ah waxaa Qaarka sare uga jirta Funaanad u,eg dhar Ciidan hoosena Surwaal Shibil, halka kan seddaxaad uu ku wada lebisan yahay dhar Shibil,Meydadka labo ka mid ah waa da,da meel dhexaadka ah halka kan Seddaxaad uu yahay nin dhalinyaro ah.

Meydadka ayaa waxaa jirkooda ka muuqda in Madaxa laga wada toogtay sidoo kale waxay u egyihiin dad musaafur ah markii loo eego dharka mid waliba loo barkiyey.

Dhinaca kale waxaa goobtaas gaaray Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska Soomaaliya waxaana lagu soo waramayaa in baaritaan ay ka sameeyeen Xaafada Meydadkan lagu arkay,Warku wuxuu intaas ku darayaa in dad la tuhmay in ay ku lug leeyihiin falkan lagu soo qabtay Howlgalkaas.

Ugu dambayntii Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida ayaa Meydadkii Seddaxda ahaa usoo qaaday Xarunta waaxda Dambi baarista Soomaaliya ee CID halkaas oo lagu baarayo raggan Meydadka ah waxa ay yihiin,waxa dilay iyo sababta loo dilay.

wixii ku soo kordha kala socda insha, Allah Tusmotimes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version