Wararka Soomaalida
Meydka Taliye Maxaadey oo beri Aas qaran loo samayn doona
Ka dib markii dhowaan ilaalada Hoteelkii hore ee Naasa hablood 2 ee magaalada Muqdisho ay toogasho ku dileen Taliyihii Gootada Gorgor ee Ciidanka kumaandoska Soomaaliya G/lle maxaadey Suleebaan ayaa waxaa diiday in la,aaso ehelka Taliyaha iyagoo sabab ugu dhigay ilaa cadaalad ay helaan la,aasi doonin.
Haddaba dadaalo ay muujiyeen Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ka tirsan hogaanka dhaqanka beelaha Muqdisho ayaa suurageliyay in xal laga gaaray xiisadii ka dhalatay dilkii Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Kumaandoska Xoogga dalka G/lle Maxaadey Suleymaan.
Sarkaalkan ayaa habeenkii Sabtida lagu dilay israsaaseyn ka dhacday agagaarka Ex-Hotel Naasa-hablood 2 oo ku yaalla agagaarka tiyaatarka Qaranka markii ciidamada ilaalada hotelkaas ay rasaas ooda kaga qaadeen gaari uu watay G/lle Maxaadey iyagoo ku andacooday inay ka shakiyeen.
Ehelada marxuumka oo aad ugu carooday dilka Taliyahaasi ayaa ugu dambeyn ogolaaday in maalinta berri la aaso Marxuumka ka dib markii Mas’uuliyada wixii dhacay uu qaatay Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya si wadajir ahna aaska looga qayb qaadan doono iyadoo lagu balamay wixii dhiman ee farsamooyin ah dib la iskuugu laaban doono sida lagu balamay.
Arinta aaska marxuumka ayaa waxaa loo magacaabay Guddi qaban qaabinaya Aaska iyadoo aaska qaran uu ka dhaci doona Isbitaalka Xoogga ee magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.