Wararka Soomaalida
Mid ka mid ah dadka dantayar oo laga reebay diyaaradii qaaday dhaawacyada
Iyadoo galabta magaalada Muqdisho laga qaaday Dhaawacyada culus ayaa waxaa Isbitaalka Madiina looga tagay Axmed Cumar oo ka mid ah dadkii shalay dhaawaca culus ka soo gaaray qaraxii weynaa ee ka dhacay Excontrol Afgooye.
Dhibane Axmed Cumar oo mid ka mid ah Lugihiisa soo gaartay burbur xoog leh kana soo gaaray qaraxii Excontrol ayaa wuxuu ka mid yahay dadka dantayar ee xoogooda ku noolka ahaa haatana dhaawac culus oo burbur ah ka soo gaaray Lugta midig.
Laba jeer oo mas’uuliyiin ka tirsan DFS ay booqdeen Isbitaalka Madiina ayaa laga reebay Report-ka dhaawacyada culus ee gudiga ay gudbinayeen sida uu ogaaday Wargayska Tusmotimes xafiiska Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo xalay magacaabay Gudi ka kooban Golaha wasiirada,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa la noo xaqiijiyay in dhaawaca soo gaaray Dhibane Axmed Cumar ay la kulmeen balse aanay Liiska ku darin magaca dhibanaha danyarta ah ee qaba dhaawac culus oo burbur ah.
Madacada sababta dhibane Axmed Cumar magaciisa loogu dari waayay warbixintii Gudiga ay aruurinayeen maadaama laba jeer ay booqdeen Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
Aabaha dhalay Axmed Cumar ayaa la noo sheegay inuu ku xamaasho Gaarigacan awoodna uheli karin in wiilkiisa u qaado Caafumaad dalka dibadiisa ah.
Xaalad adag ayuu wajahayaa dhibane Axmed Cumar oo qaba dhaawac culus xataa iska bixin karin dawooyinka iyo jiifka Isbitaalka haatan uu ku jiro sida aan ku ogaanay xaalada qoyskiisa ka dib markii baaritaan dhanka nolosha ah aan ku samaynay.
Diyaarada Turk kuvevetleri ayaa galabta dhaawacyo gaaraya 16 isla markaana qaba dhaawacyo culus uqaaday dalka Turkiga iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu sagootiyay dhaawacyadaasi loo qaaday dalka Turkiga.
Dhaawacyadan culus ee 16-ka ah ee loo qaaday dalka Turkiga ayaa waxaa sahashay in deg deg loogu qaado Dalka Turkiga warbixintii ay ugudbiyeen xafiisyada Madaxda sare ee dalka.