Wararka Soomaalida
Mid ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed oo geeriyooday
Ilaahay ha u naxariistee Axmedeey Abuubakar Mubaarak (Al-Camaari) oo ka mid ahaa hobollada Qaranka Waabari ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho ka dib xanuun in muddo ah hayay ka dibna qadartii Alle saaka utimid.
Marxuum Axmadeey Abuubakar Mubaarak Al Camaari ayaa fanka ka fariistay wixii ka dambeeyay sannadka markuu ahaa 1997-dii dhicitaankii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka dib,iyadoo fanaanka da’noqday iyo dowladdii uu ku tiirsanaa oo meesha ka baxday awgeed.
Axmadeey Abuubakar ayaa afar sano ka hor ka soo laabtay dalka Yemen asaga iyo qoyskiisa oo halkaas ay ku noolaayeen tan iyo markii dalka Soomaaliya ay ka bilowdeen dagaaladii sokeeye 1991-kii.
Heesaha caanka ah ee lagu xusuusto Axmedey Abuubakar Al-Camaari ayaa waxaa ka mid ah Webigii jaceylka,Luul iyo Leyla,Qaahira,Hello iyo qaar kale oo badan,waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay bahda Fanaaniinta Soomaaliyeed.
Marxuum Axmadeey Abuubakar Al Camaari wuxuu ahaa hobol caan ku ahaa heesaha Banaadiriga wuxuuna ka qeyb qaatay intii uu noolaa ayna jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya jilitaanka riwaayado badan wuxuuna maanta u geeriyooday xanuun muddooyinkii dambe hayay.