Wararka Soomaalida

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta soomaaliya oo ku dhintay dagaalkii Garowe

Published

on

Dagaalkii xooganaa ee caawa ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal ee maamulka Puntland gaar ahaan xarunta Baarlamanka Puntland ayaa waxaa ku dhintay Cabdikariim Maxamed Faarax dhegaweyne oo ahaa agaasime ku xigeenka hay’adda socdaalka iyo Jansiyadaha Soomaaliya.

Marxuum Cabdikariim Maxamed Faarax dhagaweyne ayaa sidoo kale wuxuu ahaa Ganacsade siweyn loogu yaqaanay deegaanada Puntland wuxuuna caawa ka mid noqday 9 qof oo ku dhintay dagaalkii dhaxmaray Ciidamada Puntland ee kala taabacsan Dhoobo Daarood iyo Siciid Deni.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo arimaha Mooshino iska soo hor jeeda oo ay kala abaabulayaan Deni iyo Dhoobo Daarood.

Weli xaalada Garowe ayaa caawa qasan iyadoo Ciidamadii weli isku hor fadhiyaan xarunta Baarlamanka Puntland ee dagaalkan ka bilowday.

Trending

Exit mobile version