Wararka Soomaalida

Mid ka mid ah wasiiradii uu magacaabay Lafta Gareen oo is casilay

Xildhibaan Cabdulaahi Yalaxow oo ka mid ah Golaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed kana mid ahaa Wasiir ku xigeenadii uu magacaabay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassn Maxamed ayaa caawa ku dhawaaqay in uu iska casilay Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka. Xildhibaankan ayaa sabab uga dhigay uscasilaadiisa ka dib latashiyo uu la sameeyey […]

Published

on

Xildhibaan Cabdulaahi Yalaxow oo ka mid ah Golaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed kana mid ahaa Wasiir ku xigeenadii uu magacaabay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassn Maxamed ayaa caawa ku dhawaaqay in uu iska casilay Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka.

Xildhibaankan ayaa sabab uga dhigay uscasilaadiisa ka dib latashiyo uu la sameeyey cuqaasha iyo wax garadka beeshiisa in uu iska casilay wasiir ku xigeenkii loo magacaabay.

Xildhibaan Cabdulaahi Yalaxow ayaa intaas ku daray in uusan uqalmin xilka loo magacaabay sidaas darteed waxaan iscasilay xilkii Wasiir ku xigeenka ee la,iimagacaabay ayuu yiri Xildhibaan Cabdulaahi Yalaxow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version