Wararka Soomaalida
Mid ka soo goostay Al shabaab oo Garbahaarey lagu soo bandhigay
Mid ka mid ahaa dhalinyarada daacada u,ahaa kooxda Al shabaab Ciidanka udagaalamana ka tirsanaa ayaa maanta lagu soo bandhigay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ka dib markii isusoo dhiibay kana soo goostay kooxda al shabaab.
Ninkan oo ah nin dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdinaasir Maxamed wuxuuna isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka qaybtooda 10-aad ee ka howlgala gobolka Gedo gaar ahaan Saldhiga ay ku leeyihiin degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Mid ka mid ah Saraakiisha Saldhiga oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Cabdinaasir Maxamed xiriir uu la soo sameeyay taliskooda ka dib ay ku soo dhaweeyeen Garbahaarey wuxuuna sheegay Sarkaalkaas in ninkan dhalin yarada ah usheegay inuu ka baxay fikirkii uu aaminsanaa ee daacadnimada Al shabaab sidaas awgeed ay soo dhaweeyeen.
“Cabdinaasir Maxamad wuxuu ka mid ahaa dagaal yahana Al shabab ee ka howlkali jiray Degaanada Gobolkan Gedo waxaana uu maanta isku soo dhiibay Taliska Guutada 10-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Gedo gaar ahaana Saldhiga magaalada Garbahaarey”ayuu yiri Sarkaalka la hadlay Saxaafadda.
Arintan soo bandhigada Cabdinaasir Maxamed ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhowaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo sidaan oo kale loogu soo bandhigay Sarkaal asna ka soo goostay isla kooxda Al shabaab.