Wararka Soomaalida

Midowga Yurub oo qaaday Talaabo Ciidamada Kenya ku farxin

Midowga Yurub ayaa dhimay lacagtii magdha ahaanta loo siinjiray Dowladda Kenya ee Ciidamada ka jooga Soomaaliya haddii askar ay kaga dhintaan Soomaaliya ama ay kaga naafoobaan laga bilaabo bisha Luulyo ee soo socota waxaa la yareeyey qarashkii Midowga Yurub uu ku bixinjiray Ciidamada Kenya sida maanta uu daabacay Wargayska Business Daily ee ka soo baxa […]

Published

on

Midowga Yurub ayaa dhimay lacagtii magdha ahaanta loo siinjiray Dowladda Kenya ee Ciidamada ka jooga Soomaaliya haddii askar ay kaga dhintaan Soomaaliya ama ay kaga naafoobaan laga bilaabo bisha Luulyo ee soo socota waxaa la yareeyey qarashkii Midowga Yurub uu ku bixinjiray Ciidamada Kenya sida maanta uu daabacay Wargayska Business Daily ee ka soo baxa dalka Kenya.

Sida uu daabacay wargayska qoray warkan ee Business Daily Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay in wasaaradda Maaliyadda ee Kenya ay dhimasyo qaybtii maaliyadda ee Ciidamada Kenya ee ka jooga Soomaaliya lagu maalgelin jiray.

Talaabadaas haddii ay dhaqangasho ayaa waxay ka dhigantahay in Dowladda Kenya Ciidamadeeda kala bixi doonto dalka Soomaaliya sida maanta uu qoray Wargayska Business Daily ee ka soo baxa dalka Kenya.

war ka soo baxay Midowga Yurub ayaa waxaa lagu wargeliyey Madaxda Kenya in Midowga Yurub ay dhimeen qarashkii ay ku bixin jireen Ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku sugan ee ka tirsan howgalka Midowga ARICA ee AMISOM.

Midowga Yurub ayaa sanadka soo socda ee 2020 dhimaya lacagtii Magdhaga ahaa ee Dowladda Kenya loo siinjiray markii Ciidamo ay kaga dhintaan ama kaga naafoobaan dalka Soomaaliya waxaana lagaar siiyey lacagtaa 34.65 Million oo dollar.

Sanadka xiga ee 2022 ayaa sidoo kale lagu wadaa in haddana hoos loo dhigo lacagta Magdha ahaanta loo siinjiray Kenya waxaana lagu wadaa in lagaarsiiyo 29.69Million oo dollar sida uu sheegay wargayska Business Daily ee warka baahiyey.

Wargayska Business Daily ayaa wuxuu sheegey tirada lacagta ee Magdhaga ah ee hadda ay ka rabaan Kenya Midowga Yurub in ay gaarayso 49.5Million oo dollar taasoo boqolkiiba udhiganta 41.17Million oo dollar.

Dowladda Kenya ayaa sanadkii hore Midowga Yurub ka heshay lacag Magdhaw ah oo gaaraysa 84.12Million oo dollar sida maanta lagu daabacay Wargayska Business Daily.

Ciidamada Kenya ka socda ayaa si sharcidaro ah ku soo galay dalka Soomaaliya sanadkii 2011kii waxaana sanad ka dib lagu daray howgalka Midowga AFRICA ee AMISOM sanadkii 2012kii.

Dowladda Kenya ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga 4000 oo askari waxayna ka howl galaan Gobolada Gedo iyo Jubbada hoose iyagoo ku xoogan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version