Wararka Soomaalida

Midowga yurub oo taageeray Howlgalka AMISOM

Warmaanta ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu ballan-qaaday inay sii wadayaan dadaalka joogtada ah ee lagu taageerayo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM si uu u hirgeliyo barnaamijyo iyo hawlo muhiim ah sida ku cad qorshaha kala guurka ee Soomaaliya. Ballan-qaadkan ayaa lagu sameeyey shir shalay ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya […]

Published

on

Warmaanta ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu ballan-qaaday inay sii wadayaan dadaalka joogtada ah ee lagu taageerayo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM si uu u hirgeliyo barnaamijyo iyo hawlo muhiim ah sida ku cad qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

Ballan-qaadkan ayaa lagu sameeyey shir shalay ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya shirkaasoo ujeedkiisa uu ahaa dib ugeesta miisaaniyadda AMISOM,sida uu sheegay hogaamiyaha kooxda EU-African  African Peace Facility ee Brussels ee fadhigiisu yahay Brussels Jorge Pereiro Pinon.

“Wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub waxay ballan-qaadeen in ay taageerayaan howlaha AMISOM laga bilaabo sanadkan 2019-2020,qorshahan ayaa ah kan ugu weyn ee gacan ka geysta howlaha nabadda ee Midowga Afrika, iyo iyada oo loo marayo Xarunta Nabada ee Afrika, Midowga Yurub wuxuu taageerayey AMISOM tan iyo 2007-dii,Lacagta Midowga Yurub waxay daboolaysaa gunnooyinka ciidamada AMISOM iyo booliska, mushaharka shaqaalaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, kharashaadka hawlgalka ee xafiisyada howlgalja iyo Xarunta Tababarka ee ku yaala Jazeera iyo kuwa kale”ayuu yiri Mr. Pinon.

Mr. Pinon ayaa sheegay in taageerada ay umuujinayaan howlgala AMISOM uu yahay iskaashiga xooggan ee u dhexeeya Midowga Yurub iyo Midowga Afrika, isaga oo intaa raaciyey hadalkiisa in hay’adaha ganacsiga ay sii wadi doonaan caawinta AMISOM ee hirgalinta Qorshaha kala-wareegga Soomaaliya sida uu dhigayo qorshahan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Qorshaha kala-guurka Soomaaliya ayaa waa lagu sheegay inuu yahay dukumiinti dhamaystiran oo ay soo saareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada taageerada arrimaha Soomaaliya si loo hagaajiyo waajibaadka amniga ee Ciidamada Qaranka si ay hantaan sugida amaanka Qaranka ka hor inta aan AMISOM ka bixin Soomaaliya sanadka 2021.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version