Wararka Soomaalida

Miinooyin ay Al Shabaab aaseen oo lagu guulaystay in la soo saaro+sawir

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo maanta howlgalo ka sameeyey qaar ka mid ah deegaanada Gobolka Jubbada hoose ayaa wadooyinka ka soo saaray Miinooyin Al shabaab ay ku aaseen wadooyinka deegaanada Gobolka Jubbada hoose. Miinooyinkan ayaa waxay Ciidamada ka soo saareen 20 goobood oo ah hareeraha wadooyinka laamiga ah iyo kuwa yaryarka ah […]

Published

on

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo maanta howlgalo ka sameeyey qaar ka mid ah deegaanada Gobolka Jubbada hoose ayaa wadooyinka ka soo saaray Miinooyin Al shabaab ay ku aaseen wadooyinka deegaanada Gobolka Jubbada hoose.

Miinooyinkan ayaa waxay Ciidamada ka soo saareen 20 goobood oo ah hareeraha wadooyinka laamiga ah iyo kuwa yaryarka ah ee Tuulooyinka gala,waxayna gaarayaan tiradooda 30 Miino oo iskuuga jira kuwa loogu talogalay in loo adeegsado Gawaarida Taangiga iyo Cabdibilaha.

Ciidamadan wadajirka ah ayaa intii ay ku guda jireen Miinasaaridda waxay sidoo kale Al shabaab ay kala wareegeen deegaanka KOBON oo Degmada Jamaame inyar ujira.

Miinooyinka maanta ay ku guuleysteen in ay soo saaraan Ciidamada huganta ah ayaa waxay yihiin Miinooyinka culculus ee meelaha fog fog laga hago.

Arrintan Miina saarista ah ee maanta ay sameeyeen Ciidamada ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidanka qeybta 43-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya Jannaraal Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) wuxuuna sheegay in howlgalka lagu dilay dagaalyahanop katirsan Al Shababa sidoo kale hub ay kusoo furteen.

Maamulka Jubbaland ayaa marar badan ku dhawaaqay in la bilaabayo howlgal ka dhan ah Al Shabaab ee lagu xureenayo deegaanada ay ka joogaan jubbooyinka gaar ahana Gobolka Jubbada Dhaxe oo Al Shabaab guud ahaan si buuxda ay maamulaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version