Local News
Minneapolis oo lagu daah-furay buug cusub oo ah Sheeko carruureed
MINNEAPOLIS – Xarrunta Soomaal House of Art ayaa waxaa lagu daah-furay buug loogu magacdaray “When River Stopped Singing to Cloud” ee uu qoray Abdullahi Janno. Waxay sheekadu quseysaa Awoowe Rooble oo Minnesota ugu yimid reerkiisa. Awoowe Rooble wuxuu ku faraxsanaa in ay dib isku heleen wiilkiisa Magan iyo cunugga uu awoowga u yahay ee Mahad. Hayeeshee hal mar ayaa dareenkiisa isbeddelay kadib markii lagu martiqaaday in uu ku meyrto baafka weyn ee cad oo biyo laga buuxiyay.
Wuxuu Awoowe Rooble isugu yeerayaa Magan iyo Mahad si uu u xasuusiyo qiimaha biyaha iyo noloshii uu soo maray markuu tuullada ku noolaa isagoo wiil yar ah. Wuxuu Awoowe Rooble ina xasuusin in biyuhu ay yihiin haddiyad mudan in la beekhaamiyo, la dhawro, keliyana laga isticmaalo qeyb kugu filan. Wuxuu isagoo wiilashiisa la kaftamayo ku oranayaa, “Ma jeer baad i mooddeen markaad baafkan weyn ii dhaamiseen?”
Buuggan wuxuu si farshaxameysan carruurta u barayaa qiimaha iyo mudnaanta ay biyuhu leeyihiin – iyo in dad badan oo dunida ku noolna aysan heli karin biyo maalinle ah.
Waxaa buugga laga dalban karaa qoraaga: abdullahi.janno@gmail.com ama boggan ku xiran Shopify ee https://abdullahijanno.com/when-river-stopped-singing/. Iskoollada waxaa loo sameyn qiimo-dhimis ku aaddan beeca jumladda ah.