Local News

Minnesota oo lagu soo geba-gabeeyay Tartanka Quraanka ee Imaam Al-Shatibi

Tartan Quraanka Kariimka ah ayaa si rasmi ah loogu soo geba-gabeeyay magaalada Bloomington ee gobalka Minnesota. Tartankan oo lagu magacaabo Imaam Al-Shatibi ayaa waxa uu galay sanadkiisii 5-aad, waxaana ka soo qeyb galay arday kor u dhaafeysa 420 oo ka kala yimid gobalada Mareykanka iyo dalka Canada. Munaasabad ballaadhan oo lagu qabtay goobtii uu tartanku […]

Published

on

Tartan Quraanka Kariimka ah ayaa si rasmi ah loogu soo geba-gabeeyay magaalada Bloomington ee gobalka Minnesota.

Tartankan oo lagu magacaabo Imaam Al-Shatibi ayaa waxa uu galay sanadkiisii 5-aad, waxaana ka soo qeyb galay arday kor u dhaafeysa 420 oo ka kala yimid gobalada Mareykanka iyo dalka Canada.

Munaasabad ballaadhan oo lagu qabtay goobtii uu tartanku ka socday ee dugsiga saree ee Kennedy ayaa waxa abaal-marinnadii ay mutaysteen lagu guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha ugu horreeya ka galay tartankaas quraanka oo kala ahaa.

Ardayda wiilasha ah ee ku guuleystay 30-ka Juz

  1. Mohammad Maruf oo ka socday dalka Canada ayaa ku guuleystay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $10,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  2. Ahmed Mohamed Hassan oo ka socday gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 2-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $6,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  3. Hamza Aabi oo ka socday gobolka Tennessee ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $4,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  4. Abdullahi Bashir Abdi oo ka socday gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 4-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
  5. Abdulwahab Ahmed oo ka socday gobolka Virginia ayaa galay kaalinta 5-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
  6. Hamza Fahzy oo ka socday gobolka Texa ayaa galay kaalinta 6-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.

Ardayda Gabdhaha ah ee ku guuleystay 30-ka Juz

  1. Rahmo Kassim Mohamed oo ka socota gobolka Minnesota ayaa gashay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $10,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isayada iyo macalinkeeda.

2. Awo Mohamed Salad oo ka socota gobolka Minnesota ayaa gashay kaalinta 2-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $6,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo iyada iyo macalinkeeda.

3. Nura Mohamed Ahmed oo ka socota gobolka Minnesota ayaa gashay kaalinta 3-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $4,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo iyada iyo macalinkeeda.

Ardayda ku guuleystay codka ugu wanaagsan

  1. Hamza Fahzy oo ka socday gobolka Texas ayaa ku guuleystay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $2,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
  2. Mohammad Maruf oo ka socday dalka Canada ayaa ku guuleystay kaalinta 2-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $1,500 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
  3. Abedallah abualnaja oo ka socday gobolka Texas ayaa ku guuleystay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $1,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.

Ardayda ku guuleystay 15-ka Juz

  1. Ramla Omar oo ka socota gobolka Minnesota ayaa gashay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $3,500 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo iyada iyo macalinkeeda.
  2. Abdirahman Mohamed oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 2-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $3,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  3. Sabirin Hassan oo ka socota gobolka Minnesota ayaa gashay kaalinta 3-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $2,500 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo iyada iyo macalinkeeda.

Ardayda ku guuleystay 15-ka Juz

  1. Dalha Mohamed oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $3,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  2. Nawal Farah Omar oo ka socota gobolka Minnesota ayaa gashay kaalinta 2-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $2,500 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo iyada iyo macalinkeeda.
  3. Ibrahim A Ibrahim oo ka socda gobolka Tennessee ayaa galay kaalinta 3-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $2,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  4. Samira AbdiRashid Aden oo ka socota gobolka Minnesota ayaa gashay kaalinta 4-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
  5. Zakariya Abukar oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 5-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.

Ardayda ku guuleystay 5-ta Juz

  1. Mohamed Abdulle Mohamed oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $2,250 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  2. Ilyas A Farah oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $2,250 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  3. Mohamed Omar oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 3-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $1,500 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  4. Khalid Hersi oo ka socda gobolka Georgia ayaa galay kaalinta 4-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  5. Rayaan M Abdi oo ka socota gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 5-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.
  6. Abdirahman Abdullahi Mohamed oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 6-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo.

Ardayda ku guuleystay 1-ka Juz

  1. Khalif Mohamed oo ka socda gobolka Tennessee ayaa galay kaalinta 1-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $2,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  2. Mohamed Amin Abdirashid oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 2-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $1,500 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  3. Salmon Ahmed Jama oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 3-aad, waxaana lagu abaalmariyay lacag ah $1,000 iyo kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  4. Anas A Farah oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 4-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  5. Jamal mowlid Abdulle oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 5-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  6. Haruun Mohamed oo ka socda gobolka Tennessee ayaa galay kaalinta 6-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  7. Bashir Osman Muse oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 7-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  8. Abdullahi Hassan Mohamud oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 8-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  9. Abdullahi Yusuf oo ka socda gobolka Tennessee ayaa galay kaalinta 9-aad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.
  10. Abdullahi Abdirahman Ali oo ka socda gobolka Minnesota ayaa galay kaalinta 10-naad, waxaana lagu abaalmariyay kharaskha Cumrada oo laga bixinayo isaga iyo macalinkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version