Wararka Soomaalida

Mooshinkii Siciid Deni oo hoos udhacay

Published

on

In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa kulan kula qaatay degmada Qardho Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahaanba ku sugnaa Qardho iyadoo halkaasi kulan ku lalahaa Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah Boqorka talada Puntland ka go,da.

Xildhibaanadan oo saaka ka yimid magaalada Garoowe ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad ee dooda badan dhalisay.

Mudaneyaasha ka tirsan Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha u cadeeyeen in hab-dhaqankii ka dhacay Furitaankii kal fadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland ay ahayd waxaan u qalmin Dowladnimada Puntland ee 21-sano jirsatay raaligelina ka bixinayaan wixii dhacay.

Xildhibaanad a ayaa Madaxweynaha u gudbiyay codsi ah in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad Xeer illaalintu’na ay la laalabato Dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhegaystay Mudaneyaasha Baarlamaanka ee Qardho ugu yimid arintan darteed isla markaana tixgelinaya codsiga mudaneyaasha ayaa wuu ka aqbalay codsiga Xildhibaanada ay usoo gudbiyeen.

Arintan ayaa waxay muujinaysaa inuu hoos udhacay talaabadii ay damacsanaayeen mudaniyaasha Baarlamanka Puntland ee ahaa inay xilka ka qaadaan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni halkaasina uu ku burburay arinkii Mooshinka ahaa.

Trending

Exit mobile version