Wararka Soomaalida
Mugambe oo geeriyooday
Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugambe ayaa maanta ku geeriyooday dalka Zimbabwe ka dib xanuun hayay Madaxweynahaas hore ee dalka Zimbabwe.
War maanta ka soo baxay dowladda Zimbabwe ayaa waxaa lagu xaqiijiyay geerida Robert Mugambe Madaxweynihii hore ee dalkaas mudda dheer soo xukumayay waxaa kaloo dowladda sheegtay in aas Qaran loo samayn doono Madaxweynihii hore ee dalkaas.
Robert Mugambe ayaa waxaa ahaa Madaxweyne kaftan badan waxaana lagu xasuustaa madadaalada dadweynaha dalkiisa iyo kan aduun oo uu kula hadli jiray ereyo kaftan ah aadna dadka ugu qosoliya hadda wuxuu jiray 95 sano wuxuuna ahaa Madaxweynihii ugu da,da weynaa caalamka inkastoo hadda wax xil ah ka hayn dalkiisa.