Wararka Soomaalida
Munaasabad lagu soo bandhigayey howlaha caafimaadka oo muqdisho ka dhacday+sawiro
Maanta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu soo bandhigayey wax qabadka bahda caafimaadka ee ka howlgasha Muqdiaho. Munaasabadaas ayaa waxaa ka qab galay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow iyo mas,uuliyiin kale. Dhaqaatiir inbadan ka howlgalaysay xarumaha Caafumaadka ee magaalada Muqdksho iyo qaar ka mid ah golaha baarlamanka […]
Maanta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu soo bandhigayey wax qabadka bahda caafimaadka ee ka howlgasha Muqdiaho.
Munaasabadaas ayaa waxaa ka qab galay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow iyo mas,uuliyiin kale.
Dhaqaatiir inbadan ka howlgalaysay xarumaha Caafumaadka ee magaalada Muqdksho iyo qaar ka mid ah golaha baarlamanka labadiisa Aqal ayaa ka mid ahaa dadkii munaasabada ka qayb galay.
Soo bandhigida wax qabadka xirfadlayda Caafimaadka ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay dhalinyarada baratay Mihnadda Caafimaadka ee ka soo baxay Jaamacadaha ku yaala Muqdisho iyo kuwo ka soo qalain jebiyey Jaamacadaha dalka dibadiisa ku yaala.
“Daahfurka Bandhiga Caafimaadka 2019ka ee maanta ka dhacay Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo bandhigay horumarka dhalinyarada iyo halabuurkooda Caafimaad ay ka sameeyeen Muqdisho,iyadoo shirkado badan ay soo kordhiyeen nidaam casri ah oo Caafimaadka la xiriira”ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku yaala xarumo farabadan oo ka shaqeeya arrimaha Caafumaadka,waxayna iskuuga jiraan kuwo ay leeyihiin aqoon yahano Soomaali ah iyo kuwo laga leeyahay wadamada caalamka.
Wadamada Caalamka ee dhaqaatiirtooda xarumaha caafimaad ku leh Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Masar,Sudan,Turkiga,Suriya iyo sucuudiga.
Xarumaha Caafimaad ee Muqdisho ku yaala ee kala duwan ayaa waxay muhiimad weyn utahay bulshada Soomaaliyeed ee dowlad la,aanta 28 sanadood la daala dhacaya in kastoo dhamaan ay yihiin goobo dadweynaha qarash lagu qaato.