Wararka Soomaalida

Munaasabad lagu xusayey aas aaska Ciidanka Cirka oo Muqdisho lagu qabtay+sawiro

Munaasabad lagu xusayey Sanad guuradii 59-aad ee ka soo wareegatay aas aaskii Ciidanka Cirka ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xarunta Ciidanka Soomaaliya ee Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho. Waxaana Munaasabadaas ka qayb galay wasiir Dawlaha Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, taliyaal hore, Saraakiil ka Socotay Ciidanka Turkiga iyo marti sharaf […]

Published

on

Munaasabad lagu xusayey Sanad guuradii 59-aad ee ka soo wareegatay aas aaskii Ciidanka Cirka ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xarunta Ciidanka Soomaaliya ee Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana Munaasabadaas ka qayb galay wasiir Dawlaha Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, taliyaal hore, Saraakiil ka Socotay Ciidanka Turkiga iyo marti sharaf kale.

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Maxamuud Sheikh Cali oo ka hadlay munaasabada ayaa ka sheekeeyay taariikhda ciidanka cirka Soomaaliya iyo xaaladihii kala duwanaa ee soo mareen.

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed cali Xagaa ayaa shaaca ka qaaday in Wasaarada ay wado dadaalo ay ku dooneyso in lagu dhiso laguna tayeeyo ciidanka cirka Soomaaliya.

Ciidanka Cirka Soomaaliya oo xiligii kacaanka awood badan lahaa ayaa hada ah kuwa aan shaqeynin,mana heestaan ciidanka cirka Soomaaliya diyaaradii loo baahnaa in ay adeegsadaan kuna difaacaan dadka,dalka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version