Wararka Soomaalida
Munaasabad lagu xusayey Aas aaska xoogga dalka oo ka dhacday Muqdisho+sawiro
Munaasabad laga soo hor mariyey waqtigeeda ayaa maanta waxay ka dhacday Magaalada Muqdisho iyadoo Munaasabadaas lagu xusayey 59 sano guuradii ka soo wareegatay xiligii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya 12 April 1960kii. Munaasabada lagu xusayey aas aaska Ciidanka Xoogga dalka ayaa maanta waxaa lagu qabtay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyadoo uu ka qeyb galay […]
Munaasabad laga soo hor mariyey waqtigeeda ayaa maanta waxay ka dhacday Magaalada Muqdisho iyadoo Munaasabadaas lagu xusayey 59 sano guuradii ka soo wareegatay xiligii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya 12 April 1960kii.
Munaasabada lagu xusayey aas aaska Ciidanka Xoogga dalka ayaa maanta waxaa lagu qabtay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyadoo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad dheer ka jeediyey Munaasabada xuska aas aaska Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in cadowga argagixisada ah ay ka dulqaadaan dadka kana xoreeyaan dalka,arritaasna ay Dowladdu ka leedahay qorshe cad oo muddo la diyaarinayey.
Munaasabadan oo beri ku beegan ayaa waxaa loo soo hormariyey Jimcaha awgeed.