Community

Munaasabad loo sameeyay Arday Qur’aanka ku dhamaysay madarasada iyo Xarunta Rattil

Waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu qabtay munaasabad loo dhigay arday dhamaysay xifdinta Qur’aanka kariimka iyo qiraa’aadka. Madarasada iyo Xarunta Rattil ee magaaladda Minneapolis ayaa shaahadooyin iyo abaal marino gudoonsisay arday dhamaysay barashadda quraanka Kareemka ah. Xafladan loo sameeyay  ardayda Dugsiga iyo Madarasada Rattil oo dhacday maalintii Axada, bisha April 28, 2019 ayaa waxaa […]

Published

on

Waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu qabtay munaasabad loo dhigay arday dhamaysay xifdinta Qur’aanka kariimka iyo qiraa’aadka. Madarasada iyo Xarunta Rattil ee magaaladda Minneapolis ayaa shaahadooyin iyo abaal marino gudoonsisay arday dhamaysay barashadda quraanka Kareemka ah.

Xafladan loo sameeyay  ardayda Dugsiga iyo Madarasada Rattil oo dhacday maalintii Axada, bisha April 28, 2019 ayaa waxaa ka soo qayb galay Culumadiin sida Professor Sheekh Siidow Cabdishariff oo isagu barnaamijka xiriirinayey, sidoo kale, xafladdan waxaa xaadir ku ahaa oo kasoo qaybgaleen dhammaan waaliddiinta iyo macallimiinta ardayda la abaalmarinayey iyo waalidiin kale oo ay carruurtoodu dhigtaan madarasada.

Waxaa Qur’aanka dhameeyay 9 arday, waxaa shahaado la siiyay 9 arday oo iyagu dhameeyay Tuhfatul Atfal oo ah barashadda xeerarka tajwiidka Qur’aanka lagu akhriyo, hal (1) arday ayaa isaguna dhameeyay 10-ka qiraa’aat ee Qur’aanka lagu akhriyo,isaga oo halkaas shahaado lagu gudoonsiiyay.

Haddaba waxaa sannad walba Qur’aanka ku dhameeya dugsiga, madarasada iyo Xarunta Rattil 20 arday oo iyagu xafidda Qur’aanka.Dugsigan iyo madarasadan oo ku taala magaalada Minneapolis ayaa waxaa dhigta 170 arday oo ay da’doodu u dhaxayso 5-jir ilaa 21-jir.

Maamulka, macalimiinta iyo ardayda madarasada Rattile ayaa soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo ay ardaydu hormuud ka ahaayeen, sida Qiraa’aad kala duwan oo Qur’aanka lagu akhriyey, Tajwiid, Tafsiirka Qur’aanka, Fiqiga iyo maadooyin kale oo ardaydu ay soo barteen, kuwasoo dadwaynahii kasoo qaybgalay ay aad u jaclaysteen sida qurxoon ee kartida leh ee ay aqoon diimeedka ardaydan da’da yari ay u soo bandhigeen.

Dr. Feiysal Amoudi oo ah Sheekh, Imam iyo maamulaha guud ee dugsiga iyo madarasada Rattil Center oo ka mid ah culumada waawayn ee soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa u mahadceliyay dhammaan ardaydii dhameysay barashada Qur’aanka Kariimka, waaliddiintoodii iyo macallimiintii soo gaarsiisay heerkan.

Ugu dambeyn, waxaa goobta shahaadooyin lagu guddoonsiiyay ardaydii soo dhameysatay barashada Qur’aanka Kariinka iyo ardaydii kale ee iyagu horumarka ka gaaray barashadda daraasaadka diinta la xiriira ee lagu dhigo dugsiga iyo madarasada Rattil.

 

 

Sawiradda: Zakariye Xaayoow, RTN TV

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version