Wararka Soomaalida
Muqdisho oo howlgal Deg Deg ah loogu dhawaaqay
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow oo shiraa,id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Howlgal Deg Deg ah laga bilaabayo Magaalada Muqdisho ka dib xaalado amini daro oo ku soo korortay Magaalada. Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in talaabadan ay ka dambeysay ka dib markii uu sii xumaaday amaanka […]
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow oo shiraa,id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Howlgal Deg Deg ah laga bilaabayo Magaalada Muqdisho ka dib xaalado amini daro oo ku soo korortay Magaalada.
Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in talaabadan ay ka dambeysay ka dib markii uu sii xumaaday amaanka Magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka dhaceen qaraxyo isdabajoog ah iyadoo dadbadana ay ku dhinteen weeraradaas.
Waxaa uu sheegay Gudoomiyuhu in inta lagu jiro howlgalkan in shacabka ay u,adkeystaan baaritaanada farahabadan ee Ciidamada ay sameyn doonaan iyadoo howlgaladan ay yihiin kuwo ka ballaaran kuwii hore si amaanka gacan bir ah loogu qabto.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya inta uu socdo howlgalka wuxuuna ka codsaday shacabka inta ay socdaan howlgallada inay muujiyaan dulqaad iyo deganaan.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheeegay inay jiri doonaan jidad badan oo xirmi doona inta uu socdo howlgalka iyadoo laga duulayo amni darada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.