Wararka Soomaalida

Musharax Qoor qoor oo gaaray Dhuusa-mareeb

Published

on

Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa maanta waxaa sidiiran loogu soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo ka mid ah Musharaxiinta Galmudug.

Bulshada ku nool Dhuusa-mareeb ayaa siweyn usoo dhaweeyay Musharax Qoor qoor iyo wafdi la socday waxayna ugu hortageen garoonka diyaaradaha ee Dhuusa-mareeb iyagoo ku dhawaaqayay ereyo soodhaweyn ah mudane Madaxweyne soo dhowoow iyo ereyo kale.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa intaas ka dib umahad celiyay bulshadii sidawanaaga leh uugu soo dhaweysay Dhuusa-mareeb.

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa Bulshada Galmudug Soo dhaweynta Balaaran oo ay noo sameeyeen Aniga Iyo wafdigii ilasocday,ujeedka ugu wayn ee imaatinkeenna waxa uu ku wajahan yahay sidii aan ugu kuur gali lahayn Xaaladaha degaanka iyo sidoo kale howlaha la xariira doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug,inta aan ku suganahay deegaanada Galmudug waxa aan kulamo la qaadan doonna Bulshada qaybaheeda kala duwan oo aan mid mid u waraysan doonno insha Allaah”ayuu yiri Musharax Madaxweyne Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version