Wararka Soomaalida

Musharaxiinta Puntland 6 ka mid ah oo ku dhawaaqay iscasilaad(Akhriso Magacyada)

Iyadoo galabta ay soo saareen Gudiga Doorashada Maamulka Puntland Jadwalka iyo Shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta ayaa caawa waxaa iscasilay 6 ka mid ahaa Musharaxiinta utaagnaa utartamida xilka Madaxweynaha ee Maamulka Puntland. Waxayna kala yihiin Magacyadooda Siyaasiyiinta ka haray tartanka. 1.Cabdrisaaq Cabdulaahi Jaamac Janagale 2. Cali Axmed Gamuute 3. Cabdixakiin Axmed Xaashi 4. Dr Maxamed Salaad […]

Published

on

Iyadoo galabta ay soo saareen Gudiga Doorashada Maamulka Puntland Jadwalka iyo Shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta ayaa caawa waxaa iscasilay 6 ka mid ahaa Musharaxiinta utaagnaa utartamida xilka Madaxweynaha ee Maamulka Puntland.

Waxayna kala yihiin Magacyadooda Siyaasiyiinta ka haray tartanka.

1.Cabdrisaaq Cabdulaahi Jaamac Janagale
2. Cali Axmed Gamuute
3. Cabdixakiin Axmed Xaashi
4. Dr Maxamed Salaad Qoryooley
5. Cabdulaahi Jaamac Saalax
6. Cabdiwali Cabdiraxmaan Gayre.

Siyaasiyiintan macadaynin sababta ay isku casileen iyagoo markii horaba go,aansaday in ay shaaciyaan inay yihiin Musharaxiin utaagan xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland ee sanadka 2019ka.

Iscasilada ay ku dhawaaqeen Siyaasiyiintan ee ah in ay ka hareen tartankii Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa wuxuu Ku soo beegmayaa kagadaal markii Musharaxiinta loo geeyey mid waliba in uu bixiyo lacagta Diiwaan galinta oo ah 20,000 Kun oo Dollar inta utartamaysa xilka Madaxweynaha,halka Madaxweyne ku xigeenka inta doonaysa loo geeyey in Musharaxiiba laga rabo lacag dhan 10,000 Kun oo Dollar si loo diiwaan galiyo.

Shuruudagaas ayaa waxaa soo saaray Gudiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeebka Maamulka Puntland.

Isdiiwaan galinta ayaa waxay ku egtahay beri oo axad ah galinka dambe Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Talaadada nagu soo aadan haddii aan wax iska bedelin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version