Wararka Soomaalida

Musharaxiinta taageerada ka helaya Dowladda dhexe oo banaanka u soo baxay iyo lacag Labo Milyan ah oo Garowe gaartay

Maalinta beri ah Magaalada Garowe waxaa ka qabsoomaya Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland iyadoo Xildhibaanada ay kala xulanayaan Musharaxiinta farahabadan ujeedkuna uu yahay labo shakhsi oo kaliya in la doorto. Madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh uga jira in meesha ay ka saaraan Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo in […]

Published

on

Maalinta beri ah Magaalada Garowe waxaa ka qabsoomaya Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland iyadoo Xildhibaanada ay kala xulanayaan Musharaxiinta farahabadan ujeedkuna uu yahay labo shakhsi oo kaliya in la doorto.

Madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh uga jira in meesha ay ka saaraan Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo in badan Siyaasadda ay isku qabteen wax wada shaqayn ahna dhex jirin labadii Aabo ee la soo dhaafay Gas iyo Federaalka Soomaaliya Madaxdooda.

Xog hoose oo uu ka helayo Garowe Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in Madaxda federaalka Soomaaliya ay taageero siinayaan ilaa shan Musharax oo ka mid ah Musharaxiinta utaagan hogaanka Puntland.

Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya Musharaxooda Kowaad ayaa waxaa lagu Magacaabaa Maxamuud Khaliif Jabiye oo ah Ganacsade ka soo jeeda Gobolka Nugaal si dhowna saaxiib ula,ah Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sida aan xog aruurinta ku soo ogaanay.

Waxaa kaloo intaas dheer oo jira Masharaxiin kale oo iyana Villa Soomaaliya gadaal ka wado si hadhow kii codbata ay ugu shubaan Codadka ay heli doonaan si uu u soo baxo Musharax ay wada shaqayn hufan dhex mari karto Madaxda federalka Soomaaliya iyo kan Puntland usoo bixi doona.

Dhinaca kale Warar lagu kalsoonaan karo oon ka helnay Garowe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay magaalada Garawe la geeyay lacag ku dhaw 2-Milyan oo Dollar oo laga diray Magaalada Muqdisho lacagtan ayaana la sii marsiiyay Magaalada Hargeysa ka dibna gaari looga sii qaaday sidaasna Garowe lagu gaarsiiyey.

Lacagtan sida farsameesan lagu galiyay magaalada Garawe ayaa la sheegay in loo geeyay Musharax Maxamuud Khaliif Jabiye si uu ololaha ugu adeegsado kuna kasbado codadka Xildhibaanada wax dooranaya ee Puntland.

Wararka aan caawa ka heleyno Magaalada Garawe ayaa sheegaya in lacagta ugu badan ee lagu kasbanayo codka Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland uu bixinayo musharaxa ay taagereyso dowlada Federaalka ee ah Maxamuud Khaliif Jabiye.

Doorashada ugu adag ayaa la filayaa in ay dhax marto Musharaxa dowlada federaalka sida hoose u taageereyso ee  Maxamuud Khaliif Jabiye iyo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo lacag badan Imaaraadka ka helay iyo Musharax Siciid Dani oo isna la sheegay in dhaqaalo badan uu heesto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version