Wararka Soomaalida

Musharaxiinta u taagan hogaanka Puntland oo Khudbado jeediyey

Musharaxiinta ukala Tartamaya Madaxweyne iyo ku xigeenka Maamulka Puntland ee tiradooda gaaraysa 32 Musharax ayaa maanta Barnaamij Siyaasadeed kooda ka hor jeediyey Baarlamanka cusub ee gaaraya 66 Xildhibaan ee Puntland. Khudbadaha Musharaxiinta ayaa intbadan ahaa kuwo isku jiho usocday waxayna ka wada hadleen arrimaha Siyaayaasadda Amaanka,dhaqaalaha iyo qaabkii ay ulashaqayn lahaayeen Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya. […]

Published

on

Musharaxiinta ukala Tartamaya Madaxweyne iyo ku xigeenka Maamulka Puntland ee tiradooda gaaraysa 32 Musharax ayaa maanta Barnaamij Siyaasadeed kooda ka hor jeediyey Baarlamanka cusub ee gaaraya 66 Xildhibaan ee Puntland.

Khudbadaha Musharaxiinta ayaa intbadan ahaa kuwo isku jiho usocday waxayna ka wada hadleen arrimaha Siyaayaasadda Amaanka,dhaqaalaha iyo qaabkii ay ulashaqayn lahaayeen Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya.

Musharaxiinta ka hor jeedisay Baarlamanka Puntland Barnaamij Siyaasadeedka waxaa ka mid ah Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Puntland soo xukumayey muddadii 5ta Sanadood ahayd wuxuuna Khudbadiisa qeeb ka mid ah uu ku weeraray Siyaasadda Madaxada Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Cabdiwali Gaas ayaa u sheegay Baarlamanka Puntland in ay ogaadaan inay jiraan rag doonaya in ay dumiyaan dhamaan Maamulada ka hana qaaday Gobolada Soomaaliya ee Maamul Goboleedyada oo ulajeeday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Musharaxiinta kale majirin Musharax kale oo dhaliil ujeediyey Madaxda Dowladda federalka Soomaaliya sida Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo kale waxayna inta badan Khudbada hooda diiradda ku saareen waxa laga filankaro ee ay qabanayaan iyo qadiayadda reer Puntland in ay tahay waajib lama taabtaan ah.

Waxaa kaloo jiray Afar Musharax oo Khudbadooda ka hor sheegay Baarlamanka in haddii ay doortaan Baarlamanka Puntland aan la,arki doonin Khilaaf iyo Barnaamij Siyaasadeed looga soo hor jeeda ama lagu dhaliilayo Dowladda dhexe si hufana ay ulasha qaynayaan Madaxada Federaalka Soomaaliya.

Baarlamanka Puntland ee maanta Musharaxiinta khudbadaha ka dhageysanayey ee gaaraya 32 Musharax ee ukala tartamaya Madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa udheg raaricinayey nuxurka iyo ahmiyadda ay kala siinayaan Musharaxiinta Khudbada hooda manajirin Musharax markii uu dhamaystay hadal jeedinta loo sacbiyey sida caadadu ahaanjirtay.

Baarlamankaas ee ka kooban 66 Xildhibaan ayaa maanta umuuqday kuwo Khudbadaha iyo shaqsiyaadka ay umaleysan karaan in uu la imaankaro wax qabad ku kala xulanayey si beri ay Codkooda usiiyaan.

Msharaxiinta 32 ka kooban ayaa maalinta beri ah waxaa kala saari doona Baarlamanka Puntland waxayna ka xulanayaan 32 Musharax labo Musharax oo kaliya.

Xarunta Baarlamanka Puntland ee maanta Musharaxiinta Khudbadaha looga dhagestya waxaa ku sugnaa Wakiilada Beeska Caalamka oo Doorashadan ka noqonaya kor joogiyaal waxaana si aad ah loo adkeeyey amaanka goobta hadal jeedinta Musharaxiinta iyo guud ahaan Magaalada Garowe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version