Wararka Soomaalida
Musharixiinta Jubbaland oo bilaabay Ololahooda doorashada
Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa toos uga bilowday Ololaha Musharixiinta Jubbaland iyagoo bilaabay inay kulamo la qaataan waxgaradka ku nool Magaalada Kismaayo kana dhaadhiciyaan fikirkooda Ololaha doorashada Jubbaland ee lagu wado inay qabsoonto bisha nagu soo aadan ee August. Musharixiinta bilaabay dhaqdhaqaaqa Ololaha doorashada Jubbaland ee Kismaayo ayaa waxaa ka mid […]
Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa toos uga bilowday Ololaha Musharixiinta Jubbaland iyagoo bilaabay inay kulamo la qaataan waxgaradka ku nool Magaalada Kismaayo kana dhaadhiciyaan fikirkooda Ololaha doorashada Jubbaland ee lagu wado inay qabsoonto bisha nagu soo aadan ee August.
Musharixiinta bilaabay dhaqdhaqaaqa Ololaha doorashada Jubbaland ee Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah Musharax Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ka mid ah Musharixiinta kan ugu dhaqdhaqaaqa roon isagoo sabtidii la soo dhaafay ilaa maanta kulamo la qaadayanayay Odayaasha dhaqanka ee soo xula Baarlamanka cusub, Culimada,siyaasiyiinta aan ku jirin doorashada balse taageersan in isbedel uu dhaco,Ururada dhalinyarada iyo kuwa haweenka ee Magaalada Kismaayo.
Musharaxaan ayaa dadkii uu la kulmay ka codsanayay inay garab ku siiyaan Ololahiisa doorashada si ugu guulaysto Kursiga loo wada Ordayo ee Madaxweynaha Mamaamulka Jubbaland Afarta sano ee soo socota.
Intabadan qeebihii kala duwanaa ee uu shirarka la qaatay Musharax Maxamed Ismaaciil Shuuriye ayaa ubalan qaaday inay garab ku siinayaan hamigiisa siyaasadeed waxayan ugu laab qaboojiyeen xukunka Alle ka sokow inaysan qiyaano ku samaynaynin oo si cadaalad ah ula shaqaynayaan.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan in ku dhow 20 Musharax iyadoo mid waliba oo ka mid ah siyaasiyiintaas xil doonka ah dhankiisa u,ordayo kuna dadaalayo sidii uhananlahaa Kursiga Madaxweynaha Afarta sano ee soo socota Maamulka Jubbaland iyo Bulshada loogu talinayo.
Dhinaca kale arimahan Ololaha Musharixiinta ay ka bilaabeen Kismaayo ayaa waxaa la sheegayaa inay culays siyaasadeed ku tahay Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee waqtiga ka sii idlaanaya isagoo ka mid ah Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne ee Maamulka Jubbaland.