Wararka Soomaalida

Muslimiin Soomaali ay ka mid yihiin oo lagu laayey New Zealand

Dalka New Zealand ayaa maanta waxaa ka dhacay fal naxdin iyo argagax leh ka dib markii nin ku hubaysnaa qoriga AK47 Mulimiin farabadan uu ku laayey labo Masaajid oo ku yaala dalka New Zealand. Ninkan oo lagu magacaabo Brenton Tarrant una dhashay dalka Australia ayaa labada Masaajid ee muslimiinta udhashay dalka New Zealand Alle ku […]

Published

on

Dalka New Zealand ayaa maanta waxaa ka dhacay fal naxdin iyo argagax leh ka dib markii nin ku hubaysnaa qoriga AK47 Mulimiin farabadan uu ku laayey labo Masaajid oo ku yaala dalka New Zealand.

Ninkan oo lagu magacaabo Brenton Tarrant una dhashay dalka Australia ayaa labada Masaajid ee muslimiinta udhashay dalka New Zealand Alle ku caabudaan ku dilay 49 qof halka dhaawaca uu gaarayo 40 kale.

Xaalada dadkaas Muslimiinta ah ee la,laayey iyagoo Allah hortiisa taagan ayaa hadda laga deerinayaa waxaana la dhigay Isbitaalada dalka New Zealand.

Dadkan xiligii ninkan uu laynayey ayaa waxay utaagnaayeen gudashada salaada Jimcaha oo ah xiliga Musliminta ay buux dhaafiyaan goobaha Cibaadada Alle.

Dadkan lagu laayey New Zealand ayaa waxaa ku jira dad Soomaali ah Wararka qaar ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah ee weerarkaas lagu dilay ay gaarayaan 10 qof halka dhaawacooduna uu gaarayo 13 qof sida Wararka la,isla dhexmarayo ay sheegayaan.

Soomaalida ilaa hadda la xaqiijiyey in weerarkaas ay ku dhinteen ayaa waxaa ka mid ah Cabdiqaadir Dhaqane oo siweyn loogu yaqaanay dalka New Zealand kana mid ahaa Soomaalidii ugu horeeyey ee dalkaas galay sanad aad ufug sida ay sheegeen ehelada Cabdiqaadir dhaqane.

Brenton Tarrant ee musliminta laayey ayaa waxaa gacanta ku dhigay oo haya Ciidamada New Zealand.

Dhinaca kale Masaajido ku yaala Yurub ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyey amaankooda ka dib falkan maanta ka dhacay New Zealand awgeed waxaana Masaajiddaas lagu wareejiyey Ciidamo aad farabadan.

Waxaa cabsi xoogleh laga qabaa in weerar la mid ah kan New Zealand oo kale lagu qaado goobaha Musliminta ay ku cibaadeystaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version