Wararka Soomaalida
Muslimiinta Greek-ga oo ay riyadoodii u rumowday
Dalka Greek-ga ayaa waxaa dib uhabayn lagu sameeyay Masjid qadiimi ah oo Muslimiinta dalkaas muddo dheer ay ku taamayeen inay ku cibaadaystaan iyadoo Masjidkan uu ku yaalo Caasimadda dalka Greek-ga ee Magaalada Athens markii ugu horaysay taariikh dheer ka dib. Masjidka ayaa waxaa la dhisay sanadka markuu ahaa 1833-dii waxaana dhisay Cusmaaniyiintii xiligaas xukumayay meelo […]
Dalka Greek-ga ayaa waxaa dib uhabayn lagu sameeyay Masjid qadiimi ah oo Muslimiinta dalkaas muddo dheer ay ku taamayeen inay ku cibaadaystaan iyadoo Masjidkan uu ku yaalo Caasimadda dalka Greek-ga ee Magaalada Athens markii ugu horaysay taariikh dheer ka dib.
Masjidka ayaa waxaa la dhisay sanadka markuu ahaa 1833-dii waxaana dhisay Cusmaaniyiintii xiligaas xukumayay meelo badan oo caalamka ka mid ah oo dalka Greek-gana uu ka mid yahay.
Arinta dib uhabaynta Masjidkan ayaa waxaa kaalin weyn ka gaystay dowladda Greek-ga iyo hay’ado caawiya Muslimiinta,dhinaca kale in Muslimiinta ay yeeshaan goobo ay ku cibaadaystaan ayaa waxaa la horgeeyay Golaha Baarlamanka dalka Greek-ga iyagoo muddo dheer oo sanado ah arintan ka doodayay ugu dambayntiina sanadkan gudiisa isku raacay inay qalinka ku duugaan.
Bulshada Muslimiinta dalka Greek-ga ayaa waxaa loo ogolaaday inay Masjid dhistaan waxaase shardi looga dhigay in uusan masjidku minaarad yeelan qaab masjidna u ekaan sidaas ayaana dib loogu howlgaliyay Masjidkan qadiimiga ah ee Cusmaaniyiintii halkaas ka hirgeliyeen ee taariikhda fog leh.
Waa masjidkii ugu horreeyay loo ogaaladay (2019) Muslimiinta magaalada Athens ee dalka Greek-ga kadib 129 sano markii (1890) ay codsadeen inay Masjid dhistaan iyadoo tirada Muslimiinta dalkaas degan tira ahaan ay gaarayaan 200,000 oo Muslimiin ah.
Dib uhabaynta Masjidka ayaa waxaa ku baxay Qarash gaaraya €850,000 oo lacagta euro ah markii Dollar loorogana noqonaysa ($967,000, Dh3.5 million).
Muslimiinta Magaalada Athens ayaa waxaa dhibaato ka haysatay iyagoo lahayn Masaajido ay ku cibaadaystaan islamarkaana Magaalada aaneyba ku yaalin Masaajido.
Dhismaha masjidka Muslimiinta Athens oo hadda la kaamil yeelay ayaa waxaa lagu wadaa in furo bisha September ee sanadkan sida uu Wariyaasha usheegay Wasiirka waxbarashada dalka Greek-ga Kostas Gavroglou iyadoo Salaadii ugu horaysay bishaas lagu dukan doono sida dhiniciisa uu xusay imaamka Masjidka.
Muslimiinta ku nool dalka Greek-ga ayaa siweyn u soo dhaweeyay talaabadan ogolaanshaha ah inay helaan Muslimiinta meel ilaahigooda ku caabudaan.