Wararka Soomaalida
Muuse Biixi oo ku dhawaaqay talaabo cusub
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ku dhawaaqay Barnaamij cusub oo loo bixiyey Shaqo Qaran kaasoo dhalinyarada wax baratay ee bilaa camalka ah ama baaqa muundada ah shaqo loogu abuurayo. Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in talaabadan ay ka mid ahayd balanqaadkii uu sameeyey markii ololaha ugu jiray doorashada,hanashada kursiga Madaxweynaha […]
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ku dhawaaqay Barnaamij cusub oo loo bixiyey Shaqo Qaran kaasoo dhalinyarada wax baratay ee bilaa camalka ah ama baaqa muundada ah shaqo loogu abuurayo.
Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in talaabadan ay ka mid ahayd balanqaadkii uu sameeyey markii ololaha ugu jiray doorashada,hanashada kursiga Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland maantana uu ka dhabeeyey fulinta balanqaadkaas.
Barnaamijka shaqo Qaran ee maanta uu ku dhawaaqay Muuse Biixi ayaa waxaa loo sameeyey dhoola tus cajiib ah ka dib markii uu booqday Akademiyadda carbiska Ciidanka Soomaaliland.
“Waxa aannu hirgelinay Akademiyadda carbiska dhalinyaradda ee Barnaamijka shaqo qaran oo ka mid ahaa ballan-qaadyadii aannu u samaynay dhalinyaradda Jamhuuriyadda Somaliland.Waa barnaamij ujeedkiisu yahay tababarka iyo shaqo-gelidda dhalinyaradda, waddani-nimada iyo isdhaxgalka”ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka gooni isutaagga Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.
Barnaamijkan cusub ee shaqo Qaran ayaa waxaa la sheegay in uu yahay mid intiisabadan loogu goleeyey in dhalinyarada laga dhigo Ciidan inta kalana ay ka howlgalaan xafiisyada wasaaradaha iyo xarumaha Ciidanka Soomaaliland.