Wararka Soomaalida

Muuse Biixi oo qaabilay Safiirka cusub ee Itoobiya ee arimaha Soomaaliland Daawo Sawirada

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda federaalka Itoobiya dhowaan ay u soo magacawaday Maamulka Soomaaliland. War-Saxafaadeed galabta ka soo baxay Xafiiska War baahinta Madaxtooyada Maamulkaas ayaa sidan uqornaa. Hargaysa, 22-01-2019,War-Saxaafadeed,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka cusub ee  dawladda Federal-ka […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda federaalka Itoobiya dhowaan ay u soo magacawaday Maamulka Soomaaliland.

War-Saxafaadeed galabta ka soo baxay Xafiiska War baahinta Madaxtooyada Maamulkaas ayaa sidan uqornaa.

Hargaysa, 22-01-2019,War-Saxaafadeed,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka cusub ee  dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Shamsudiin Axmed Rooble.

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku xafiiska ku cusub yahay oo dhawaan dawladda federaalka Itoobiya u soo magacawday Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu Dawladda Itoobiya ku bogaadiyey inay u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland dublamaasi xeel dheeri u leh shaqada safiirnimo, kana soo shaqeeyey dalal badan oo dunida ka mid ah, isaga oo u rajeeyey safiirka inuu halkaasi ka sii amba qaado xidhiidhkii wada shaqayneed ee xafiiskiisa uu haatan ka hawlgalaa hore u hayey.

Kulankan, ayaa sidoo kale lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon).

Xigasho Xafiiska War faafinta Madaxtooyada Soomaaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version