Wararka Soomaalida
Muuse Biixi oo Taliye cuaub u magacaabay Ciidanka Booliska
Ka dib markii dhawaan uu geeriyooday Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliland Sareeye Gaas Cabdullaahi Fadal iimaan ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi maanta wuxuu wareegto madaxweyne ku magacaabay Taliyaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee Ciidanka Booliska Soomaaliland qaarna xilalkii ka qaaday.
Waxayna udhignayd wareegtada Madaxweynaha sidan.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland Qodobka 90-aad
Markaan Tixgeliyey Ahmiyadda Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay dhismaha iyo amniga Qaranka
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waaya-aragnimadooda.
Markaan ku Qancay In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan
Markaan Sameeyey La-tashi
Waxaan Go’aamiyey.
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
1-Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland.
2-Sareeye Guuto Cabdi Xasan Mire Faarax Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Somaliland.
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Ku: Sarreeye Guuto Faarax Maxamed Mire
Taliye Ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland.
Sida aad la socoto xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii loo garto. Sidaa darteed waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka ee Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland