Wararka Soomaalida
Muuse iyo Abiy oo ku kulmay Addis Ababa+sawiro
Ra’iisul wasaaraha itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ka dib safar uu ku gaaray Addis Ababa. Kulanka Abiy iyo Biixi ayaa waxaa diiradda lagu saaray is dhex galka labada shacabka iyo xoojinta wada shaqaynta itoobiya iyo Soomaaliland xagga Ganacsiga. Muuse Biixi Cabdi oo […]
Ra’iisul wasaaraha itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ka dib safar uu ku gaaray Addis Ababa.
Kulanka Abiy iyo Biixi ayaa waxaa diiradda lagu saaray is dhex galka labada shacabka iyo xoojinta wada shaqaynta itoobiya iyo Soomaaliland xagga Ganacsiga.
Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay kulanka Ra’kisul wasaaraha itoobiya ayaa sheegay in isaga iyo Abiy Ahmed ay ka wadahadleen xiriirka labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland, sida uu yiri iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirkaasi siiba dhinacyada Ganacsiga iyo amniga.
Qoraal laga soo saaray xafiiska raisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Abiy Ahmed uu xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha maamulka Somailand iyo wafdigiisa oo labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo khuseeya xiriirka iyo danaha labada dhinac.
Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, waxaana garoonka diyaaradaha magaalad Addis ababa ku soo dhoweeyay wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shiddo iyo xubno kale.