Wararka Soomaalida
Muwaadiniin Turki ah oo la xaqiijiyay inay ku dhinteen Qaraxii shalay
Qaraxii shalay subax ka dhacay Excontrol Afgooye ee Muqdisho ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen laba muwaadin oo udhashay dalka Turkiga kuwaas oo ahaa injineero ka howl galayay dhismaha wadada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye ee shabeelaha hoose iyadoo hadda wadaasi meel gabagabo ah dhismaheeda uu marayo.
Geerida labada muwaadin ee Turkiga ayaa waxaa xaqiijiyay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ka dib markii galabta Warbaahinta uu kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.
Meydadka labada muwaadin ee Turkiga ayaa loo qaaday dalka Turkiga waxaana waaday diyaarada Turk vava kuvevetleri ee qaaday dhawwacyada culus ee loo qaaday dalka Turkiga.
Weerarkii shalay ka dhacay Excontrol Afgooye ee Muqdisho ayaa ilaa hadda la ogayn ujeedkiisa in injineerada Turkida ujeedka uu ahaa iyo in loola danlahaa xarunta canshuuraadka ee ku taalla Excontrol Afgooye.
Injineeradan u dhashay dalka Turkiga ee ku dhintay weerarkaasi ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Muslamiinta Turkida iyadoo safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz markii meydadkan loo duulinayay dalkooda ilaahay ugu baryay in janadiisa ka waraabiyo danbigoodana uu ka dhaafo.
Maato farabadan ayaa shalay ku nafwaayay qaraxaasi halka dhaawacyada ay aad ubadan yihiin.