Wararka Soomaalida
Muxaadaradii sheekh Umal oo gabi ahaanba la baajiyay
Muran iyo isjiijiid dheer ka dib ayaa waxaa gabi ahaanba labaajiyay muxaadaradii Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu ku qaban lahaa magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka kubadda cagta ee ENG Yariisow Stadium.
Markii ay soo baxday in Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu Muxaadaro ku qabanayo magaalada Muqdisho ayaa waxaa diidmo kala hor yimid qaar ka mid ah Culimada Muqdisho iyadoo culimada qaar sheekh Maxamed Cabdi ku eedeeyay inuu gef ugaystay Culimada dhariiqu Suufiya iyo qodobo kale.
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo arinkan galay iskuna dayay inay dhax dhaxaadiyaan Culimada ayaa ku guul darastay ka dib markii si aad ah uxoogaystay khilaafka Culimada dhaxdeeda ah.
Haddaba waxaa arinkaas war Saxaafadeed ka soo saaray Wasiirka Awqaafta iyo arimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Nuur Maxamed Xasan wuxuuna sheegay in Culimada Soomaaliyeed oo dhan dhax dhaxaad uyihiin.
Hoos ka akhriso War Saxaafadeedka Wasiirka.
Bismillaahi Wa salaatu Wa salaamo Calaa Rasuulilaah
قال تعاىل: ) واعتصموا حببل هللا مجيعا وال تفرقوا(، أل معران، أية 301
وقال س بحانه : ) وأ طيعوا هللا ورسوهل وال تنازعوا فتفشلوا وتذهب رحيمك واصربوا ان هللا مع الصابرين ( ا لنفال/64 .صدق هللا العظمي
Maanta oo Sabti ah, taariikhduna tahay 26 Rabiicul Awal 1441 ee taariikhda Hijriyada, isla markaana ku beegan 23 November 2019, Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey soo saartay war Saxaafadeedkan:
1. Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta ayaa masuul uga ah Dalka Arrimaha Diinta Sida uu qabo Dastuurka JFS, Qodabka 3aad Faqradiisa 1aad.
2. Wasaaraddu waxay cadaynaysaa in ay dexdhaxaad u tahay dhammaan argatiyada kala duwan ee Culumada Soomaaliyeed, waxey-na kulmisaa culimada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan.
3. Wasaaradda waxey u mahad celineysaa dadaallada Sheeikh Maxamed Cabdi Umal iyo Culimadii la socotay ay ka geysteen gargaarka shacabkii Soomaaliyeed ee ku waxyeelobay Fatahaadihii ka dhacday Gobollada Dalka qaar kamid ah.
4. Wasaaradda waxey sheekha uga mahad celineysaa Khudbaddii uu ka jeediyay Masjidka Isbaheysiga oo si wanaagsan u dhacday.
5. Kadib Markii ay qeyb kamid ah bulshada Soomaaliyeed oo ka codsaday Sheekh Maxamed Cabdi Umal in uu qabto Muxaadaro Guud ayuu sheekha aqbalay, arrintaa oo ay soo dhaweeyeen hay`daha Xukuumadda oo ay wadaaraddu hormuud ka tahay.
6. Waxaa ayaan darra ah in tashwiish lagu furay qabashada Muxaadarada Sheekha oo cinwaankeedu ahaa “Asbaabaha Keena Musiibooyinka & sida looga hortgo” waxuu Sheekhu soo jeediyey asagoo tixgalinaya duruufaha ku xeeran muxaadarada in la baajiyo,
Wasaaraddana wey ku waafaqday soo jeedintaas.
7. Sheekha waxuu qaban doonaa inta uu dalka joogo barnaamijyo Wacyigalineed oo ka bixi doono warbaahinta kala duwan ee dalka.
8. Wasaaradda waxay diyaar u tahay in ay Sheekha Maxmed Umal ay ku martiqaadi doonto barnaamijyo wacyigalineed xilliga ku haboon, Isla markaana ay diyaar u tahay soo dhaweynta dhammaan culumada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah wacyigalinta bulshada Soomaliyeed oo xilligan baahi weyn loo qabo.