Wararka Soomaalida
Nabadoon Axmed Qalyar oo dhaawicii Kismaayo ugeeriyooday
Nabadoon Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar oo 13-kii bishii hore ee September lagu dhaawacay magaalada Kismaayo ayaa saaka ugeeriyooday dhaawicii soo gaaray awgeed.
Axmed Jaamac Maxamuud ayaa waxaa dhaawiciisa markii dambe la keenay magaalada Muqdisho saaka ayuuna ugeeriyooday dhaawwcaas soo gaaray.
Dhaawaca Nabadoonka ee hadda uu ugeeriyooday ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen koox hubaysan oo ka tirsan Ciidamada Axmed Madoobe.
Marxuumkan ayaa sidoo kale wuxuu ahaa sharciyaqaan Abuukaate ah sidoo kalana ka tirsanaa Golaha isbedel doonka Kismaayo ka dhisan ee ka soo horjeeda Axmed Madoobe.
Nabadoonkan saaka ku geeriyooday Muqdisho iyo kuwo ka sii horaayay ayaa dhamaan waxaa dilkooda loo haystaa Axmed Madoobe.