Wararka Soomaalida
Nin aad saaxiib u ahaayeen Gudoomiyihii geeriyooday oo xabsiga la dhigay
Wararka qaar oo aad la,isula dhaxmarayo baraha bulshada ayaa sheegaya in Axmed Nuur Maxamed oo ahaa saaxiibka koowaad ee Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqii muqdisho ENG Yariisow habeenkii 5-aad xabsi uu ku hooyanayo ka dib markii la soo eedeeyay Axmed Nuur Maxamed sida wararka ay sheegayaan.
Sababta loo xiray ninkan dhalinyarada ah ee lagu magacaabo Axmed Nuur Maxamed ee aadka iskuugu dhowaayeen Allaha uraxmadee Gudoomiyihii geeriyooday Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow ayaa waxaa lagu sheegay inuu,u xeran yahay hantida marxuum Yariisow iyo Documentiyo uu u hayay inuu ku wareejiyay ehelkiisa sababtaasna xabsiga loo dhigay laakiin anagu Tusmotimes warkaas dhab ahaanshihiisa mahubno,mana xaqiijin karno balse waxaa aad la,isku dhaafsanayaa baraha bulshada.
Waxbadan lagama oga sababta dhabta ah ee Axmed Nuur Maxamed xabsiga loo dhigay markii laga soo tago dadka qoraalada soo dhigaya Social media yaha.
Shaqsiga xabsiga loo taxaabay ayaa waxaa kaloo la sheegayaa in xataa isku reer ka soo jeedin marxuumka balse ay ahaayeen saaxiibo isku sirqarsan jiray sida dadka qaar barahooda Facebook ay ku soo qoreen laakiin waxaa suuragal ah in arimo ka baxsan hanti iyo Document uu ku wareejiyay ehelka marxuumka arinta ka weyntahay sababta wiilkan dhalinyarada ah loo xiray haddiiba xarigan run yahay.
Warkan haddii dhab noqdo iyo haddii been noqdaba insha’allah halkan ayaad kala socon doontaan.