Wararka Soomaalida

Nin dhalinyaro ah oo sameeyey Gawaarida dadka lixaadkooda kala dhiman yahay

Sida aan horay idiin kuugu soo baahinay wararkeenii ku saabsanaa farsamada cusub ee gawaarida Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay Gawaari yar yar ah oo hal qof kaliya qaadi kara kaasoo ah Darawalka kaliya maadaama hal kursi kaliya uu leeyahay. Farsamadaas cajiibka ah ayaa waxay maskaxdiisa ka soo maaxday hal […]

Published

on

Sida aan horay idiin kuugu soo baahinay wararkeenii ku saabsanaa farsamada cusub ee gawaarida Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay Gawaari yar yar ah oo hal qof kaliya qaadi kara kaasoo ah Darawalka kaliya maadaama hal kursi kaliya uu leeyahay.

Farsamadaas cajiibka ah ayaa waxay maskaxdiisa ka soo maaxday hal abuuray Cabdulqadir Cismaan Tarabi oo ka mid ah dhalinyarada ku nool Cadaado.

Gawaaridan uu farsameeyey hal abuure Cabdiqaadir Cismaan Tarabi ayaa waxay u eg yihiin nooca moto Bajaajka waxayna lee yihiin hal fadhi amba hal kursi waana qaybta darawalka.

Haddaba Cabdiqaadir Cismaan Tarabi ayaa sheegay gawaaridaas ee asaga iska leeyahay fikirka iyo farsamada lagu sameeyey inuu ugu talagalay dadka lixaadkooda kala dhiman yahay ee curyaamiinta ah si danahooda ugu qabsadaan una anfaco.

Hal abuure Cabsiqaadir Cismaan Tarabi Gawaaridaas ayaa wuxuu ku farsameeyey garaashyada ku yaala degmada uu ku nool yahay ee Cadaado Gobolka Galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version