Wararka Soomaalida

Nin ganacsade ah oo laga dhax toogtay gaari BL ah

Wararka nagasoo gaaraya deegaanka KM 13 ee Gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in galabta halkaas lagu dilay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Cali Bashiir Muuse ka dib markii nin ku hubaysnaa Bastoolad uu ka dhax toogtay Gaari BL ah. Dadka deegaanka ayaa usheegay Wargayska Tusmotimes in marxuumka la dilay xili uu hortaagnaa hoygiisa oo […]

Published

on

Wararka nagasoo gaaraya deegaanka KM 13 ee Gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in galabta halkaas lagu dilay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Cali Bashiir Muuse ka dib markii nin ku hubaysnaa Bastoolad uu ka dhax toogtay Gaari BL ah.

Dadka deegaanka ayaa usheegay Wargayska Tusmotimes in marxuumka la dilay xili uu hortaagnaa hoygiisa oo ku yaala deegaanka Tareedishe ee duleedka Magaalada Muqdisho iyagoo intaas warkooda ku daray in ninka dilay marxuum Cali Bashiir Muuse uu saarnaa Gaari nooca Hoomayda ah.

Dhinaca kale Ciidamada amaanka ee Soomaaliya war aan dhinacooda ka helnay ayaa sheegaya in la soo qabtay oo uu xiran yahay darawalkii Gaariga BL ah ee ninka wax dilay uu saarnaa.

Ninka wadaha ka,ah Gaariga Hoomayda ayaa sheegay inuusan wax ka ogayn dilka marxuumka sidoo kale gaarigiisa aan laga dhax toogan marxuum Cali Bashiir Muuse balse wuxuu sheegay qofka wax dilay uu ka degay gaarigiisa ka dibna ay ku baraarugeen dhawaaqa Bastooladda.

Marxuum Cali Bashiir Muuse ayaa dadka deegaanka Tareedishe waxay ku sheegeen inuu ahaa nin xoogiisa ku nool ah kana ganacsan jiray Liinta noocyadeeda kala duwan.

ilaa hadda lama yaqaano sababta loo dilay marxuumkaas iyadoo kii dilayna uu baxsaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version