Wararka Soomaalida
Nin horay ugu tartamay kursiga Xildhibaanimo oo lagu dilay Muqdisho
Agagaarka Taalada Sayidka ee kaabinka ku haysa xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa lagu dilay Cabdulaahi Maxamuud Xeyle oo ka mid ahaa siyaasiyiinta kunoolaa Magaalada Muqdisho. Marxuum Cabdulaahi Maxamuud Xeyle ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu dilay inta udhaxaysa Baar Bulsho iyo Taalada Sayidka waxaana dilay sida wararka ay sheegayaan nin […]
Agagaarka Taalada Sayidka ee kaabinka ku haysa xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa lagu dilay Cabdulaahi Maxamuud Xeyle oo ka mid ahaa siyaasiyiinta kunoolaa Magaalada Muqdisho.
Marxuum Cabdulaahi Maxamuud Xeyle ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu dilay inta udhaxaysa Baar Bulsho iyo Taalada Sayidka waxaana dilay sida wararka ay sheegayaan nin Bastoolad ku hubaysnaa ka dibna baxsaday.
Goobta lagu dilay Marxuum Cabdulaahi Maxamuud Xeyle ayaa waxaa bar koontarool ku leh Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyagoo usuurtagelin in ay qabtaan ninka dilay Marxuum Cabdulaahi Maxamuud Xeyle.
Allaha unaxariistee Marxuum Cabdulaahi Maxamuud Xeyle ayaa sanadkii 2016kii ka mid ahaa siyaasiyiintii utartamay xilka Xildhibaanimo inkstoo markii dambe uu waayey kursigaas inuu ku guulaysto.
Kursiga Xildhibaanimo ee uu utartamay Cabdulaahi Maxamuud Xeyle ayaa waxaa uu yahay kan hadda ay ku fadhido Xildjibaan ahna wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa barteeda Facbook ku xaqiijisay in la dilay Cabdulaahi Maxamuud Xeyle sidoo kalana sheegtay in gurigeeda uu ku noolaa marxuumka la dilay labadii bil ee la soo dhaafay.
“Innaalilaah wa innaa ileehi raajucuun Marxuum Cabdulaahi Maxamuud Xeyle wuxuu ahaa Musharaxii ka tanaasulay inuu igula tartamo kursiga Xildhibaanimo ee aan ku fadhiyo Cabdulaahi Maxamuud muddadii dambe oo dhan wuxuu igula noolaa Gurigeeyga marxuumka Afurkii ka dib caawa ayaa gacan ka xaq daran ay ku dishay Suuq yaraha Baar Bulsho ee Taalada Sayidka waxaana gacan ku dhiig laha arxanka daran ku raad jooga Ciidanka Booliska Allow kuu naxariiso Cabdulaahi Maxamuud Xeyle aamiin”ayay ku soo qotay barteeda Facebook wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wasiir khadiijo ma sheegin marxuum Cabdulaahi Maxamuud Xeyle cida dishay waxa ay yihiin.