Wararka Soomaalida
Nin Ri udilay laamo Khaad ah oo xabsiga loo taxaabay+Sawiro
Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa maanta waxaa ka dhacday arin layaab leh ka dib markii nin Muqayil ah Ri ka cuntay Khaadkii ka dibna Tooray ku dilay Ridii Khaadka ka cuntay bartamaha Magaalada Hargaysa. Ciidamada Booliska Maamulka Soomaaliland ayaa ninkaas Rida udilay Laamaha Khaadka ah ka cuntay utaxaabay Xabsiga ka dib markii qoyskii lahaa […]
Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa maanta waxaa ka dhacday arin layaab leh ka dib markii nin Muqayil ah Ri ka cuntay Khaadkii ka dibna Tooray ku dilay Ridii Khaadka ka cuntay bartamaha Magaalada Hargaysa.
Ciidamada Booliska Maamulka Soomaaliland ayaa ninkaas Rida udilay Laamaha Khaadka ah ka cuntay utaxaabay Xabsiga ka dib markii qoyskii lahaa Rida ay ka dacweeyeen Saldhiga Hargaysa.
Ninkaas ayaa dilka Rida u,adeegsaday Tooray iyadoo meel walba oo jerkeeda ka mid ah Mindida kaga dhuftay ilaa ay ka naf baxdana ku garaacayay Midida Ridaas.
Baraha bulshada ayaa si weyn loogu shaaciyay dhacdadan ugubka ah ee maanta ka dhacday Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland.
Shacabka Hargaysa ayaa layaab ku abuurtay carada intaas la,eg ee uu uqaaday Muqayilkaas Rida udilay Khaadkii ay ka cuntay.
Magaalada Hargaysa ayaa waxay ka mid tahay Magaalooyinka Soomaaliya ee sida weyn looga istcmaalo Khaadka cunistiisa iyo kaga nacsigiisa.