Community

Ninkii burburiyay ganacsiyada Soomaalida oo dambi lagu soo oogay

Published

on

Nin reer Minneapolis ah ayaa lagu soo oogay shan dambi oo la xiriira burburkii hantiyeed iyo falalkii nacaybka ku salaysnaa ee uu ku jajabiyey daaqadaha iyo muraayadaha ganacsiyada ay Soomaalidu leeyihiin ee ku yaala magaalada Minneapolis.

Qareenka iyo xeer ilaaliyaha guud ee  Degmadda Hennepin Mike Freeman ayaa maanta oo Jimco ah sheegay dacwadaha lagu soo oogay Harlin St John.

Harlin St John oo ah 36-jir ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira dambiyo kala duwan. Dambiyadda loo hayso ee lagu soo oogay ayaa kaala ah laba dacwadood oo ah waxyeelada heerka koowaad ee hantida uu burburiyay, laba dacwadoo oo ah waxyeelada heerka labaad ee uu gaarsiiyay hantid ay dad leeyihiin iyo hal dambi oo la xiriira waxyeelada heerka saddexaad ee uu u geystay hantida ganacsatada Soomaaliyeed oo si nacayb iyo ula kac kujiro uu sameeyay falkaas.

Haddaba waxaa la rajaynayaa in uu ninkani horyimaado maxkamadiisii ugu horreysay maalinta Isniinta 30-ka bisha September. Kiisaska kale oo la xiriira dambiyada uu ninkani galay ayaa loo gudbiyay Xafiiska Qareenka Degmadda Hennepin County, waxaana laga yabaa in dacwado dheeri ah lagu soo oogo ninkan.

Dacwada iyo dambiyadda ninkan oo ah nin cadaan ah loo haysto ayaa dhacay qiyaastii 4-tii subaxnimo taariikhda bisha September makray ahayd 18.  Ganacsato Soomaaliyeed oo dhowr ah ayaa ciidanka booliiska magaalada Minneapolis ugu yeeray goobaha ay ganacsiga ku leeyihiin oo ku yaala Ciwaanka  wadooyinka Franklin Avenue iyo 24th, waxayna ciidanka booliiska ku wargeliyeen in ninkan cadaanka ahi si ula kac ah u dhagax tuuraya daaqadaha iyo muraayadaha ganacsiyadooda.

Ninkan dacwadaha lagu soo oogay oo ah nin cadaan ah ayaa markii ay ciidanka booliisku qabteen u sheegay in uu falkan si ula kac ah u sameeyay, wuxuu kale oo uu sheegay in uu necebyahay Soomaalida.

Trending

Exit mobile version