Wararka Soomaalida
Ninkii dilay Sumeyo oo gacanta lagu dhigay
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ninkii ka dambeeyay dilkii Sumeyo Yuusuf Barkhadle oo dhawaan Meydkeeda laga helay Hotelka Caamir ee ku yaala xaafada Baar Ubax ee degmada Howlwadaag. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed ayaa sheegtay inay soo qabteen nin aad loogu shakiqabo inuu […]
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ninkii ka dambeeyay dilkii Sumeyo Yuusuf Barkhadle oo dhawaan Meydkeeda laga helay Hotelka Caamir ee ku yaala xaafada Baar Ubax ee degmada Howlwadaag.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed ayaa sheegtay inay soo qabteen nin aad loogu shakiqabo inuu ka dambeeyay dilka Sumayo Yuusuf Barkhadle.
Sakiye Xuseen Axmed ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay qoraal ay ugu hadashay soo qabashada shaqsigaas.
“Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembibaarista CID ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan edeeysane Bishar Abdirisaq Maxamed kaasoo ku eedeeysan dilka marxuumad Suleeqo Yusuf Axmed oo sidoo kale loo yaqaanay Sumeyo Yuusuf Barkhadle falkaas oo dhowr cisho ka hor ka dhacay Hotel Camir oo ku yaala degmada Howlwadaag”