Wararka Soomaalida

Oday caan ka ah deegaanada Puntland oo la dilay

Masaajid ku dhax yaala Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa xalay lagu dilay Suldaan Bashiir Muuse Konte. Dablay ku hubaysnaa Bastoolado ayaa gudaha Masaajidka Tabaarak ee Magaaladaas ku dhex dilay Suldaan Bashiir Muuse Konte oo ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Puntland sida weyn looga yaqaano. Dablayda Masaajidka ku […]

Published

on

Masaajid ku dhax yaala Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa xalay lagu dilay Suldaan Bashiir Muuse Konte.

Dablay ku hubaysnaa Bastoolado ayaa gudaha Masaajidka Tabaarak ee Magaaladaas ku dhex dilay Suldaan Bashiir Muuse Konte oo ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Puntland sida weyn looga yaqaano.

Dablayda Masaajidka ku dhex dishay Odaygaas ayaa waxaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen Jameecadii Salaada Cisha ah ku dukanaysay Masaajidkaas.

markii imaamka dujinayey Jameecada uu salaada ka baxay inyar ka dib iyadoo qof kasta meeshii uu safka kaga jiray uu fadhiyo ayaa waxaa la sheegay in halmar la wada maqlay dhawaqa Xabad ka dhex dhacday gudaha Masaajidka.

Jameecadii Masaajidka ayaa wada eegay dhinacyada waxaana markii dambe indhaha Jameecada ku wada dhacay Suldaan Bashiir Muuse Konte oo dhulka ku sii dhacaya dhiigna ka daadanaya iyo nin dhalinyaro ah oo hal talaabo ujira Suldaanka gacantana ku haysta Bastoolad.

Waxaa xigtay in afar dhalinyaro ah uu ku jiro kii Bastoolada lagu arkay iyagoo orod Masaajidka ugu baxay iyadoo Afar tooduba isku jiho ucararaya.

Marxuum Suldaan Bashiir Muuse Konte ayaa waxaa uu ahaa shaqsi caan ka ahaa deegaanada Maamulka Puntland sidoo kale ka mid ahaa Odayaasha ka go,da talada soo xulista Xildhibaanada Maamulka Puntland iyo kuwa labada aqal ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya ee ka soo gala deegaanada Maamulkaas Puntland.

Marxuum Suldaan Bashiir Muuse Konte ayaa maanta waxaa lagu aasay Qabuuro ku yaala duleedka Magaalada Boosaaso waxaana aaskiisa ka qayb galay Xildhibaanada Maamulkaas qaar ka mid ah iyo Odayaasha dhaqanka Puntland ee uu ka tirsanaa Marxuumka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version