Wararka Soomaalida
Oday iyo wiil uu dhalay oo xabsiga loo dhigay Talaabo ay qaadeen+sawiro
Ciidanka Booliska ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa galabta soo xiray labo Xidigle Cumar Qaboobe iyo Wiilkiisa Khadar ka dib markii lagu soo eedeeyey in degmada ay ka gaysteen dhowr jeer falal aan bulshada mahadanin sida Maamulka Degmada Wadajir saxaafadda usheegay. Labo Xidigle Cumar Qaboobe iyo wiilkiisa Khadar ayaa waxaa ka soo dacwooday shacabka […]
Ciidanka Booliska ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa galabta soo xiray labo Xidigle Cumar Qaboobe iyo Wiilkiisa Khadar ka dib markii lagu soo eedeeyey in degmada ay ka gaysteen dhowr jeer falal aan bulshada mahadanin sida Maamulka Degmada Wadajir saxaafadda usheegay.
Labo Xidigle Cumar Qaboobe iyo wiilkiisa Khadar ayaa waxaa ka soo dacwooday shacabka ku dhaqan xaafadaha Degmada Wadajir ka dib markii ragan ay ku ka ceen falal la xiriira dhac iyo burcadnimo joogto ah sida shacabka soo dacweeyey ragan ay ku doodeen.
Odaygan iyo wiilkiisa ayaa waxay yihiin rag hubaysan waxayna lacago xoog ah ka qaadijireen xarumaha Ganacsi ee ku yaala xaafadaha degmada iyo sidoo kale dhismiyaasha Guriyaha iyagoo si qarsoodi ah ku qaata lacagahaas Maamulkana iska qariya.
Shacabka Wadajir ayaa sheegay in Oday Cumar iyo wiilkiisa ee Khadar qofkii udiida lacagta baada ah ugu hanjabaan in ay dilayaan haddii amarkooda loo fulin waayo haddii kale si fudud oo nabad ah ay ku dhiibaan lacagta.
Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cabdiraxmaan Macalin Cali oo cabashadaas in badan soo gaartay xafiiskiisa ayaa ugu dambeyn go,aansaday in ragan burcada ah ee dhibaatada ku haya shacabka uu ka hor leexiyo ka dibna wuxuu ku war geliyey Saldhiga Booliska Degmada Wadajir si loo soo xiro labo Xidigle Cumar Qaboobe iyo Khadar oo ah wiil iyo Aabihiis.
“Tan iyo markii dhawaan la,iisoo magacaabay Maamulka Degmada wadajir waxaa xafiiskayga saacadba saacad u soo gaarayey cabashada shacabka ee ku aadan Odaygan iyo wiilkiisa dhowr jeer ayaa waxaan udiray Ciidan si loo soo xiro nasiib xumo waa la soo qaban waayey ka dib markii ay naga dhuunteen in badan ayaan ku raad joognay sidii aan shacabka ugu qaban lahayn burcadan hubaysan,labadan shaqsi waxay baad ka qaadi jireen dukaamada ku yaala xaafadaha iyagoo iska,keen ilaalinaya sidoo kale waxay lacago xoog ah oo baad ah ka qaadi jireen Guriyaha dhismiyaasha Degmada si qasab ah qofkii diidana handada uguna hanjaba in ay dilayaan sidoo kale ka habsaamiya shaqada,markii aan ogaaday inay naga dhuumanayaan waxaan ku war geliyey Saldhiga Booliska Wadajir Alxamdululaah hadda waa la soo qabtay waxaana loo gudbiyey Maxkamadda Ciidamada qalabka sida halkaas ayey ku jiraan Cumar iyo wiilkiisa khadar”ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cabdiraxmaan Macalin Cali.
Labo Xidigle Cumar Qaboobe iyo wiilkiisa Khadar ayaa hadda markii la soo xirayey waxay isku dheceen iskuna dhaarteen mid ka mid ah Odayaasha Degmada Wadajir oo halkaas ka waday guri dhismihiisa ka dib markii ay ku amreen inuu bixiyo lacag baad ah oo aan ka yareyn 2000 Kun oo dollar sida ay sheegeen dadka xog ogaalka u,ah arimahaas.
Odayga leh gurigaas dhismihiisa ka socda Degmada Wadajir ayaa waxaa dil ugu hanjabay Labo Xidigle Cumar Qaboobe iyo wiilkiisa sidoo kalana ka joojiyey shaqaalihii shaqada ka waday dhismaha guriga ilaa uu ka qanciyana wax shaqo ah laga qaban karin dhismahaas.
Haddaba holgal si xeeladaysan udhacay oo ay fuliyeen Ciidanka Booliska Degmada Wadajir ayaa waxay ku soo xireen ragan hubaysan ee dhibaatada ku hayey shacabka Wadajir sida uu sheegay Taliyaha Saldhiga Degmada Wadajir Koronel Cabdi Baasid Maxamuud Cagey.
“Ka dib markii warkan uu nasoo gaarsiiyey Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cabdiraxmaan Macalin Cali naguna amray in si deg deg ah usoo qabano burcada dhibaatada ka wada degmada ayaa waxaan adeegsanay xeelad aan ku soo qaban karno ragan iyadoo dhimasho iyo dhaawac midna ka dhicin maadaama ay yihiin rag hubaysan Alxamdululaah ilaahay wuu nagu guuleeyey in si nabad ah aan ku soo xirno labo Xidigle Cumar Qaboobe iyo wiilkiisa Khadar ee falka baada ah iyo handadaada ka waday degmada Wadajir waxaana ugudbinay labadoodaba Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si loogu fuliyo sharciga”ayuu yiri Taliye Cabdi Baasid Maxamuud Cagey taliyaha Saldhiga Ciidanka Booliska Degmada Wadajir.
Falkan ay ku kaceen Odaygan iyo wiilkiisa Oday Cumar iyo wiilkiisa Khadar ayaa waxay tahay mid ku cusub Muqdiaho iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Odayga uu ka mid ahaan jiray Ciidanka Soomaaliya halka wiilkiisa uu yahay shacab balse labadoodaba ay uhaysanaayeen.