Wararka Soomaalida
Odayaal iyo Saraakiil isku heeb ah oo Axmed Madoobe Xabsiga dhigay
Maanta magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa xabi ku yaala lagu xiray 10 Oday dhaqameed oo ay ku jiraan laba sarkaal dhamaana isku wada heeb ah ka dib markii Ciidamo ka amar qaata Axmed Madoobe soo xireen Odayaashaas iyo saraakiisha.
Ka hor intii aan xabsiga loo taxaabin Odayaasha iyo Saraakiisha ayaa waxay iskugu yimadeen shir deg deg ah iyagoo ka arinsanayay culays soo food saaray kadib markii ay goosteen ciidan badan oo ka soo jeeda beeshan kana tirsana ciidamada Jubbaland iyagoo ka gadooday qaab dhaqanka maamulka Jubbaland oo noqday mid u adeega dano shisheeye iyo beel gaar ah sida ay cadeeyeen bulshada halkaas ku nool.
Wax yar ka dib isla hotelkii iyagoo fadhiya odayaashii iyo Saraakiishii ayaa waxaa ku soo weeraray Ciidamadii Axmed Madoobe udiray inay soo xirxiraan ayagoo loo haysto inay abaabuuleen ciidankii dhowaan ka goostay maamulka Axmed Madoobe ciidankaas oo Alshabaab kula dagaalamay degmada Jamaame.
Haddaba waa kuwan magacyada Odayaasha iyo Saraakiisha Axmed Madoobe ku xiray Kismaayo.
1-Sheekh Jaamac Cabdule C/nuur.
2-Maxamed Xasan Diide.
3-Macalin C/qaadir irshaad.
4-Xuseen Laba suulle.
5-Kornayl ismaaciil Sheekh isxaaq Abaanduulaha guutada Baarsanguuni ee ciidanka Xoogga dalka.
6-Korneel Xujaale Cabdi Sheekh Ciidanka Xoogga dalka.
7-Mowliid Nuur
8-Maxamed Sheeqey dheere.
9-Xasan Geney.
10-Ibraahin C/kariin (Ibraahiney Maqaar)