Wararka Soomaalida

Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo Addis Ababa loogu yeeray

Dowlada Itoobiya ayaa martiqaad qaasa u fidisay Malaaqyada iyo Ugaasyada beelaha Digil iyo Mirifle ee Gobolada Baay iyo Bakool sida aan wararka ku heleyno. Odayaasha dhaqanka ayaa inta ay joogaan magaalada Madaxda dalka Itoobiya ee Addis Ababa waxay kula kulmi doono qaar ka mida mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ugu Sareysa. Safarka malaaqyada ayaa lagu sheegay inuu […]

Published

on

Dowlada Itoobiya ayaa martiqaad qaasa u fidisay Malaaqyada iyo Ugaasyada beelaha Digil iyo Mirifle ee Gobolada Baay iyo Bakool sida aan wararka ku heleyno.

Odayaasha dhaqanka ayaa inta ay joogaan magaalada Madaxda dalka Itoobiya ee Addis Ababa waxay kula kulmi doono qaar ka mida mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ugu Sareysa.

Safarka malaaqyada ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro arimaha Amniga ee degaanada Koonfur Galbeed oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka socda dalka Itoobiya.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la sheegayaa in wax wada tashi ah lagala samaynin martiqaadka loo fidiyey Odayaasha dhaqanka ee beelaha Digil iyo Mirifle ee ku wajahan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Dhanka kale Dowlada Itoobiya ayaa wax wada tashi ah kala sameeynin dowlada Fedaraalka Soomaaliya safarka malaaqyada Gobolada Baay iyo Bakool ee Addis Ababa lagu casuumay.

Dowlada Itoobiya ayaa xiriir hoose la leh beelaha Digil iyo Mirifle, mana,aha markii ugu horeeysay oo hoganka dhaqanka Digil iyo Mirifle martiqaad ay u sameeyso dowlada Itoobiya.

Warkan ayaa waxaa baahiyey Page-ka Facebook-ga ee KGS Election kaasoo ay ubadan tahay inuu yahay page uu lahaa Maamulkii hore ee shariif Xasan Sheekh aadan.

Xiriir aan la samaynay madaxda Maamulka Koonfur Galbeed si aan wax ugu waydiino jiritaanka warkan ayaa inoo suurta gelin.

Haddaba hoos ka eeg Page baahiyey warkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version