Wararka Soomaalida

Oradkii Marathonka Muqdisho oo qeyb ka noqday Oday 60 jir ah+sawiro

Suldaan Xaamud Suldaan Aadan oo ah Oday jira da,da 59 jir ayaa maanta ka qeyb galay tartankii Oradka gaaban ahaa ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho wuxuu orday orad farxadeed kadib markii uu si lama filaan ah kaaga qeyb galay tartanka oradka gaaban ee Marathon-ka oo saakay lagu qabtay muqdisho. Oday Xaamud ayaa sheegay inuusan […]

Published

on

Suldaan Xaamud Suldaan Aadan oo ah Oday jira da,da 59 jir ayaa maanta ka qeyb galay tartankii Oradka gaaban ahaa ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho wuxuu orday orad farxadeed kadib markii uu si lama filaan ah kaaga qeyb galay tartanka oradka gaaban ee Marathon-ka oo saakay lagu qabtay muqdisho.

Oday Xaamud ayaa sheegay inuusan ku talo jirin orodka qorshahiisu ma aheyn inuu ordo balse wuu is celin waayey markii uu iisha saaray dhallinyaro badan oo tartanka Oridka ah u dhaxeeyey sida uu sheegay Suldaanka.

Loolan iyo guul raadis ayey u badnaayeen intii oradka ka qeyb galayey balse Suldaan Xaamud waa ay kaga duwneyd nuucees,farxad iyo niyad sami ayuu u orday,waayo waligii subax kaga farxad badan ma uusan usoo joogin.

Dharkii uu saaladda jimcaha ku dukan laha ayaa ugu jiray oo diyaar garow kama muuqan sidaa oo ay tahay orad ayuu qabsaday markii uu la kulmay koox dhallinyaro ah oo tartan orad ah ku jirta uu arkay.

Odaygaas ayaa waxaa uu orday laga soo bilaabo Aargada KM4 ilaa Aargada Daljirka Dahson ee Degmada Boondheere.

Suldaan Xaamud Suldaan Aadan ayaana sidaan yiri “waxaa ay ii aheyd subaxii saaka ahaa subixii intii aan dhashay iiga farxadda badnaa,ilaa maalintii 1991 markii Dowladdii soomaliya bur-burtay dhallinyaradda soomaaliyeed waxey ku sii yaaceysay dibad ama waxey ku jirtay dagaal sokeeye ama waxey ku jirtay wax la yiraah reer hebel(qabiil), saaka wuxuu ahaa subixii iigu farxadda badna markaan arkay dhallinyaro iskugu jirta hablo iyo wiilal oo ordaya,waxan oradka u gallay farxad owgeed waxana u maleynayaa farxaddi inan kaalinta saddexaad gali doono,waa sidaan rajeynayo,orodkeygu ma aheyn orod la qiyaasi karo wuxuu ahaa orod farxadeed,marka hore waxaan u mahad celinaya illaheygii khaadirka ahaa oo subaxa saaka ahaa i joojiyey caafimaadna i siiyey anigo arkayey in badan illaa 1991 illaa maanta dhallinyaro aan aasayo (dhimatay) laakiin aanan arag dhallinyaro aan ku farxo,1991 ilaa maanta yaanan arag dhallinyaro intaa tiro le,eg oo usoo baxday orod ama cayaar ama hees ama farxad kuwo qori sita iyo kuwo wax dilaya iyo kuwo tahriiba iyo kuwo badda ku dhacay intaas ayaan ilaa waqtigaas laso kulmaayey,waxaan ahay 59 jir waligey subax iiga farxad badan ma so joogin imana so marin”si gadis ah ayuu kaga qeyb galay orod gaaban oo saakay ka dhacay muqdisho”ayuu yiri Suldaan Xaamud.

Dardaarankiisii ugu dambeyey ee Suldaan xaamud ayaa noqday qof dambe oo soomaali ah yaanan maqal wuu tahriibay subaxaa waa ii geeri.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version